Sahan Media Muqdisho: Hoggaanka militariga Uganda, oo uu ku jiro Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, oo ah Madaxa Ciidamada Difaaca, ayaa horey uga niyad jabay go’aanka Mareykanka ee ah inuu dhimo maalgelinta howlgallada Midowga Afrika ee Soomaaliya. Taliyaha Ciidanka Uganda ee AUSSOM oo adkeeyay anshaxa ciidamada, xilli Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta taageerada howlgalka
Taliyaha ciidamada Uganda ee ka howlgala Soomaaliya, Brig. Gen. Jackson Kayanja, ayaa ku boorriyay askarta Uganda inay xoojiyaan anshaxa, xirfadda iyo u hoggaansanaanta awaamiirta, iyadoo ay soo baxayaan walaacyo ku saabsan mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).
Kulan uu kula yeeshay ciidamada Uganda ee xarunta Sector One ee Muqdisho, ayuu Kayanja ku sheegay in anshaxu yahay tiirka guusha ciidamada, isla markaana uu muhiim u yahay badbaadada askarta iyo horumarkooda shaqo.
Taliyuhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in ciidamada Uganda ay metelaan dalkooda, isla markaana ay lagama maarmaan tahay ilaalinta nidaamka, ixtiraamka silsiladda taliska iyo u hoggaansanaanta xeerarka dagaalka. Wuxuu intaas ku daray in arrimahan ay sare u qaadaan wada-shaqeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kalsoonida shacabka.
Ku-xigeenka taliyaha ciidanka Uganda ee Soomaaliya, Col. Jude Rukubya, ayaa isna ku baaqay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta ciidamada Soomaaliya, iyadoo la ixtiraamayo dhaqanka iyo bulshada Soomaaliyeed.
Hadallada saraakiisha Uganda ayaa kusoo beegmaya xilli Mareykanku uu Midowga Afrika ku wargeliyay inuusan sii wadi doonin maalgelinta Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) marka uu dhammaado sanadkan.
UNSOS ayaa bixiya taageerada saadka ee howlgalka AUSSOM, sida cunnada, biyaha, shidaalka, adeegyada caafimaadka, gaadiidka iyo qalabka ciidamada. Khubarada amniga ayaa ka digaya in hakadka taageeradan uu saameyn weyn ku yeelan karo howlgalka.
Warqad diblomaasiyadeed oo Mareykanku u diray Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in Washington aysan diidi doonin in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay cusboonaysiiyo muddo-xileedka AUSSOM, balse ay kasoo horjeedo in la sii wado taageerada saadka ee UNSOS.
Dhanka kale, Midowga Afrika ayaa uga digay dowladaha xubnaha ka ah in go’aanka Mareykanka uu yeelan karo saameyn ballaaran oo ku saabsan saadka, hawlgalka iyo maalgelinta AUSSOM.
Ilaa iyo hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay kama aysan soo saarin jawaab rasmi ah oo ku saabsan go’aanka uu Mareykanku ku wargeliyay Midowga Afrika.


