Sahan Media Muqdisho: Magaalada Baydhabo ee xarunta ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa bilowday caleemo-saarka hoggaamiyaha maamulkaas, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), iyadoo la adkeeyay ammaanka guud ee magaalada iyo xarumaha muhiimka ah.
Xafladda caleemo-saarka, ayaa la filayaa inay ka qeybgalaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Guddoomiyaha KMG ee Golaha Shacabka, madax ka socota dowlad-goboleedyada iyo wakiillo ka socda beesha caalamka.
Wararka ayaa sheegaya in wafdi hordhac u ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo isugu jira saraakiil amni, ilaalada madaxtooyada iyo masuuliyiin kale, ay gaareen Baydhabo si ay u diyaariyaan amniga iyo qabanqaabada booqashada madaxweynaha.
Dhanka kale, Guddoomiyaha ku-meelgaarka ah ee Golaha Shacabka ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha, Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa shalay gaartay Baydhabo iyadoo hoggaamineysa wafdi xildhibaanno ah. Garoonka diyaaradaha waxaa ku soo dhoweeyay Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed, odayaal dhaqameed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Ciidamada ammaanka ayaa sare u qaaday feejignaanta magaalada, iyadoo la adkeeyay ilaalinta xarumaha dowladda, waddooyinka waaweyn iyo goobta lagu qabanayo munaasabadda, maadaama Baydhabo ay martigelinayso masuuliyiin sar-sare oo ka kala imanaya gudaha dalka iyo dibaddiisa.


