Sahan Media Muqdisho: Maxkamad ku taalla Hindiya oo dib u dhigtay go’aan laga sugayay 43 Soomaali ah oo qirtay eedaha burcad-badeednimo
Maxkamad ku taalla magaalada Mumbai ee dalka Hindiya ayaa dib u dhigtay go’aanka ku saabsan 43 muwaadiniin Soomaali ah oo qirtay eedaha burcad-badeednimo ee loo haysto, kaddib markii ay codsadeen in loo naxariisto marka xukunka la gaarayo.
Raggan ayaa ka mid ah 44 qof oo Ciidanka Badda Hindiya ay qabteen bishii Maarso 2024, intii lagu jiray howlgal lagu soo furtay labada markab ee MV Ruen iyo Al-Kambar 786, kuwaas oo sida ay sheegtay dowladda Hindiya ay afduub u haysteen kooxaha burcad-badeedda.
Xeer-ilaalinta ayaa ku eedeysay inay afduubteen maraakiibta, haysteen shaqaalihii saarnaa, isla markaana dalbadeen madax-furasho. Waxaa lagu soo oogay dacwado la xiriira afduub, burcad-badeednimo, sharciyada hubka, baasaboorrada iyo ajaanibta.
Qoraal ay u gudbiyeen maxkamadda, eedeysanayaashu waxay sheegeen inay muddo laba sano ku dhow ku jireen xabsi, ayna la kulmeen duruufo adag oo ay ka mid yihiin caqabado dhanka luqadda, dhaqanka iyo nolosha maalinlaha ah, iyagoo sidoo kale sheegay inaysan haysan cid qaraabo ama saaxiib ah oo taageerta.
Waxay maxkamadda u sheegeen in qirashadoodu ay ahayd mid ay si iskood ah u gaareen, iyagoo codsaday in lagu tixgeliyo duruufahooda, maadaama ay sheegeen inay tani tahay markii ugu horreysay ee lagu soo oogo dacwad noocan oo kale ah.
Maxkamadda ayaa go’aamisay in dib loo dhigo dhageysiga kiiska si eedeysanayaashu u helaan fursad ay dib ugu eegaan go’aankooda ka hor inta aan la aqbalin qirashada iyo inta aan la shaacin xukunka kama dambaysta ah.


