HomeWararka MaantaMadaxda Somalida oo isku eedeynaya sida imaaraadka ay ula shaqaystaan

Madaxda Somalida oo isku eedeynaya sida imaaraadka ay ula shaqaystaan

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa beeniyay eedeymaha dowladda federaalka ee sheegaya in isaga iyo siyaasiyiinta mucaaradka ay taageero siyaasadeed ama dhaqaale ka helaan Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta.

Wareysi uu bixiyay ayuu Shariif ku sheegay in xiriirka uu la leeyahay Imaaraadka uu yahay mid shaqsiyeed, isagoo xusay inuu halkaas degan yahay ku dhowaad toban sano isaga iyo qoyskiisu, isla markaana uusan jirin xiriir siyaasadeed oo kala dhexeeya dowladda Abu Dhabi.

“Waa nala soo dhaweeyay anniga iyo qoyskayga, taasna waan uga mahadcelinayaa. Laakiin xiriir siyaasadeed nagama dhexeeyo,” ayuu yiri.

Shariif ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu isaguna xiriir dhow la lahaa Imaaraadka, isla markaana dowladda Federaalka ay taageero amni iyo dhaqaale ka heshay Abu Dhabi sanadihii la soo dhaafay.

Waxa uu sheegay in Abu Dhabi ay muddo dheer ka mid ahayd dowladaha Carabta ee taageerada siiya Soomaaliya, isagoo tilmaamay in ay maalgelin ku sameeyeen mashaariic horumarineed, ciidamada ammaanka iyo taageero dhaqaale oo dowladihii kala dambeeyay ay ka faa’iideysteen.

Shariif ayaa dhaliilay waxa uu ku tilmaamay isbeddelka hadallada dowladda ee ku aaddan Imaaraadka, isagoo sheegay in aanay faa’iido ugu jirin Soomaaliya inay eedeymo u jeediso dowlad hore uga qayb qaadatay taageerada dalka.

“Waa in Soomaaliya fahamtaa sida xiriirka caalamiga ahi u shaqeeyo, khilaafaadkana loo maareeyo, halkii eedeyn joogto ah loo adeegsan lahaa,” ayuu yiri.

Dowladda Federaalka ayaa horey u jeedisay eedeymo la xiriira faragelin dibadeed iyo taageero ay sheegtay in dalal shisheeye oo uu kamid yahay Imaaraatka ay siiyaan qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka iyo qaar kamid ah Dowlad Goboleedyada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments