Sahan Media Muqdisho: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo ay weheliyaan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Saciid iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre Mudane Xasan Yusuf Nuur, ayaa furay Shirweynaha xoojinta wadashaqeynta iyo maamul daadajinta Hay’adaha Dowladda Puntland.
Shirkan oo ay ka wada qeybgelayaan Goleyaasha Dowladda Puntland, heerarka kala duwan ee Dowladda Puntland illaa heer degmo iyo Ciidanka Booliiska Puntland, ayaa looga hadlay sidii loo dardargelin lahaa maamul daadajinta iyo horumarinta wadashaqeynta Hay’adaha Dowladda Puntland.
Hanti-dhowrka Guud, Wasaaradaha, Taliska Ciidanka Booliiska iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka Puntland ayaa madasha kusoo bandhigay horumarrada laga sameeyay dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha , Siyaasadda, Arrimaha Bulshada, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo baahiyaha bulsho ee kajira deegaannada iyo soojeedinta sida wax looga qabanayo baahiyahaasi.



