Sahan Media Muqdisho: Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in Iran ay qaaday weerar loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn oo lagu beegsaday Kuwait, isla markaana nidaamka difaaca cirka ee dalkaas la hawlgeliyay si looga hortago weerarka.
Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Baxrayn ayaa ku dhawaaqday in dalka laga maqlay seeriga digniinta duqeynta cirka.
Sidoo kale, waxaa baraha bulshada lagu baahiyay sawirro iyo muuqaallo lagu sheegay in ay muujinayaan gantaallo Iran laga soo tuuray oo ku dhacay saldhigyo militari oo Mareykanku ku leeyahay Baxrayn iyo Urdun.
waxaa jiray muuqaallo wareegaya baraha bulshada oo sheegaya saxnaanta sawirrada iyo muuqaalladaas.
Dhacdo kale, Amiir Saciid Iravaani, wakiilka Iran ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in:“Mareykanka waa dalka gardarrada wada, ee ma aha dhibbanaha.”
Iravaani ayaa sheegay inuu ka cabanayay hadalladii wakiilka Mareykanka ee Golaha Ammaanka, isagoo ku eedeeyay inuu “ka leexday ajandihii kulanka isla markaana madasha Golaha Ammaanka u adeegsaday faafinta xog been abuur ah.”
Wuxuu intaas ku daray in wakiilka Mareykanka uu “soo jeediyay eedeymo aan sal lahayn oo siyaasadeysan oo ka dhan ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.”


