HomeWararka MaantaCabdinuur Sheekh Ismaaciil oo magdhaw laga siiyay khaladkii maxkamad

Cabdinuur Sheekh Ismaaciil oo magdhaw laga siiyay khaladkii maxkamad

Sahan Media Muqdisho: Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa qareen u xukuntay magdhow dhan Ksh 6.9 milyan oo lacagta Kenya ah taa oo u dhiganta 53,400 oo doolarka Maraykanka ah, kadib markii ay go’aamisay in Xafiiska Agaasimaha Guud ee Dacwad-oogista Dadweynaha (ODPP) uu ku xadgudbay xuquuqdiisa dastuuriga ah, isagoo qareenka ku soo oogay dacwad la xiriirta weerarkii argagixiso ee sannadkii 2019 lagu qaaday hoteelka DusitD2, inkastoo eedaha loo haystay aysan ku salaysnayn caddayn ku filan.

Go’aan ay soo saartay Khamiistii, Garsoore Patricia Mande ayey ku sheegtay in inkastoo dhibbanaha oo lagu magacaabo Cabdinuur Sheekh Ismaaciil, uusan caddeyn karin in ODPP ay ula kac ku dacweysay, haddana hay’addu waxay jebisay waajibaadkeeda dastuuriga ah ee ku cad Qodobka 157(11) ee Dastuurka, maadaama ay soo oogtay dacwad aan lahayn caddayn taageeraysa.

Garsoore Mande oo arrintaas ka hadleysey ayaa ku nuuxnuuxsatay in maadaama “go’aanka maxkamaddu muujinayo in eedahan lagu soo oogay iyadoo aysan jirin caddayn taageeraysa. waxaa ii soo baxday in ODPP, markii uu adeegsanayey awooddiisa go’aan-qaadasho, uu u dhaqmay si ka hor imanaysa Qodobka 157(11) ee Dastuurka, isla markaana uu ku guuldarreystay waajibaadkiisa ah inuu ka hortago ku takri-falka habraaca sharciga.”

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments