Sahan Media Muqdisho: Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa door muhiim ah ka qaatay taageerada cirka ee howlgaladii ciidamada Puntland ay ku wiiqayeen kooxda Daacish ee buuraha Calmiskaad, sida lagu sheegay xog ay ururiyeen falanqeeyayaal dhanka amniga ah.
Xogta ay soo bandhigtay Inkastoo howlgalka Calmiskaad uu si weyn u wiiqay Daacish, warbixintu waxay xustay in kooxo yar yar oo ka haray dagaalyahannada Daacish ay weli ka howlgalaan deegaannada buuraha ah.
Long War Journal ayaa xustay in tirada saxda ah ee duqeymaha Imaaraadka ay weli tahay mid aan si buuxda loo ogayn, maaddaama aysan jirin warbixinno rasmi ah oo dowladda UAE ay ka soo saarto howlgaladeeda militari ee Soomaaliya ayaa muujinaysa in Imaaraadku uu fuliyay ugu yaraan 19 duqeyn oo cirka ah intii uu socday dagaalkii militari ee Puntland ee ka dhanka ahaa Daacish sannadkii 2025.
Warbixintu waxay sheegtay in tiradan ay u badan tahay inay ka yar tahay duqeymaha dhabta ah, maaddaama aanay dowladda Imaaraadku si rasmi ah u shaacin weerarrada ay fuliso. Xogta la diiwaangeliyay waxay inta badan ku salaysan tahay xaqiijinno ay bixiyeen mas’uuliyiinta Puntland kadib weerarrada.
Duqeymaha Imaaraadka ayaa qeyb ka ahaa taageerada cirka ee loo fidiyay ciidamada Puntland, kuwaas oo muddo bilo ah ka waday buuraha Calmiskaad howlgal ay ku doonayeen inay dib ula wareegaan fariisimihii ay Daacish ka samaysatay deegaankaas.
Mareykanka ayaa isna si dhow uga qeyb qaatay howlgalka, isagoo sannadkii 2025 fuliyay tobannaan duqeyn oo lagu bartilmaameedsaday kooxda Daacish. Falanqeeyayaashu waxay sheegeen in iskaashiga hawada ee u dhexeeyay Mareykanka iyo Imaaraadka uu door weyn ka ciyaaray hoos u dhigidda awoodda kooxda Daacish.
Inkastoo howlgalka Calmiskaad uu si weyn u wiiqay Daacish, warbixintu waxay xustay in kooxo yar yar oo ka haray dagaalyahannada Daacish ay weli ka howlgalaan deegaannada buuraha ah.
Long War Journal ayaa xustay in tirada saxda ah ee duqeymaha Imaaraadka ay weli tahay mid aan si buuxda loo ogayn, maaddaama aysan jirin warbixinno rasmi ah oo dowladda UAE ay ka soo saarto howlgaladeeda militari ee Soomaaliya


