Sahan Media Muqdisho: New York Times oo soo xiganeysa sarkaal Mareykan ah ayaa sheegtay in tobanaan askari ay dhaawacmeen iyadoo dhowr helikobtarna ay waxyeelo ka soo gaartay weerarada Iran ee lagu qaaday saldhiga militeriga Mareykanka ee Urudun toddobaadkii la soo dhaafay.
Wargeyska oo xiganaya ilo militeri ayaa shegay in saddex weerar oo kale oo la mid ah kuwan ay dhaceen ka hor weerarkii Iran ee Jimcihii, kaas oo ay ku dhinteen saddex askari oo Maraykan ah.
Sarkaalka militeriga Mareykanka ee ka hadlay arrintan oo magaciisa aan la sheegin ayaa sheegay in aan Taliska Dhexe ee Mareykanka looga baahneyn in uu soo saaro macluumaad ku saabsan askarta dhaawacmay hadii ay degdeg uga soo laabanayaan shaqada.
Sarkaal kale oo sare oo ka tirsan milatariga Maraykanka ayaa u sheegay The New York Times, “Maxay Wasaaradda Difaaca Maraykanka u soo saareysaa macluumaad ka caawin kara Iran in ay si ka saxsan u beegsato bartilmaameedkeeda iyo weerarradeeda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dilaaga ah ee ka dhanka ah Urdun iyo saldhigyada kale ee Maraykanka ee Bariga Dhexe, halkaas oo kumannaan askari oo Maraykan ah ay ku sugan yihiin?”
Sida uu sheegay taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka in ka badan 400 oo askari oo Maraykan ah ayaa ilaa hadda ku dhaawacmay iska dagaalka lagula jiro Iran.
Dhanka kale, war ay soo saareen, Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran ayaa “uga mahadceliyay” “shacabka Urdun” “macluumaad sax ah oo ku saabsan 20 god oo difaac ah oo ay ku sugan yihiin ciidamada Maraykanka.


