Sahan Media Muqdisho: Dooni-rakaab ah oo siday 116 qof ayaa ku rogmatay xeebaha dalka Guyana, iyadoo mas’uuliyiintu ay sheegeen in ilaa hadda la badbaadiyay 53 qof.
Sida ay sheegtay BBC-da, doonida oo lagu magacaabo MV Barima ayaa ku rogmatay meel u dhow Iron Punt xilli ay Sabtidii ku sii jeedday magaalada Port Kaituma iyadoo ka timid Georgetown.
Adeegyada gurmadka degdegga ah ayaa bilaabay hawlgal ballaaran oo lagu baadi-goobayo laguna badbaadinayo dadka, ka dib markii ay heleen baaq gurmad ah abaaro saacadda 11:00-kii habeenimo ee waqtiga maxalliga ah (03:00-kii subaxnimo).
Hawlgalkan waxaa ka qayb-qaadanaya doonyo ay maamulaan dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay, sida uu sheegay Wasiirka Hawlaha Guud Juan Edghill.
Sida laga soo xigtay VesselFinder, doonida MV Barima oo dhererkeedu yahay 40 mitir (131 fuudh) ayaa la dhisay sannadkii 1939-kii. Edghill ayaa sheegay in doonidu ay ku qalabaysnayd 250 jaakadood oo badbaado ah, laba dooni-badbaado oo adag (rigid life rafts) iyo lix dooni-badbaado oo la buufiyo (inflatable life rafts).


