HomeWararka MaantaCulimada Soomaaliyeed oo ugu baaqay Somaliland iyo Waqooyi Bari inay wada hadal...

Culimada Soomaaliyeed oo ugu baaqay Somaliland iyo Waqooyi Bari inay wada hadal ku xalliyaan khilaafka

Sahan Media Muqdisho: Wafdi culimo Soomaaliyeed ah oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Bashiir Axmed Salaad, ayaa ugu baaqay Somaliland iyo Waqooyi Bari inay dardargeliyaan wada hadallada nabadeed, si xal looga gaaro khilaafka u dhexeeya labada dhinac iyo arrinta maxaabiista ku xiran magaalooyinka Laascaanood iyo Hargeysa.

War-saxaafadeed ay culimadu kasoo saareen magaalada Laascaanood ayay ku sheegeen inay kulamo la yeesheen Madaxweynaha Waqooyi Bari iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo ay kala hadleen dadaallada dib-u-heshiisiinta iyo sidii loo abuuri lahaa jawi lagu xallin karo khilaafaadka jira.

Culimadu waxay sheegeen in Madaxweynaha Waqooyi Bari uu u caddeeyay inay diyaar u yihiin in nabad lala qaato dhinaca Somaliland, isla markaana ay soo dhoweynayaan dadaal kasta oo horseedi kara heshiis iyo wada hadal.

Wafdigu waxa uu sidoo kale booqday qaar ka mid ah maxaabiista kasoo jeeda Somaliland ee ku xiran Laascaanood, iyagoo sheegay inay la kulmeen saraakiil ka mid ah maxaabiista, islamarkaana ay ku dhiirrigeliyeen rajada laga qabo in xal laga gaaro xaaladdooda.

Culimadu waxay xuseen inay bilaabeen dadaallo lagu dhexdhexaadinayo is-weydaarsiga ama sii deynta maxaabiista labada dhinac ku kala xiran, iyagoo sheegay in khilaafka siyaasadeed uusan sabab u noqon karin in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay muddo dheer xabsi ku sii jiraan.

Waxay sidoo kale shaaciyeen inay qorsheynayaan inay u safraan Hargeysa, halkaas oo ay kula kulmi doonaan madaxda Somaliland si ay u sii wadaan dadaallada nabadaynta iyo dib-u-heshiisiinta.

Ugu dambayn, culimadu waxay ugu baaqeen madaxda siyaasadda, isimada dhaqanka, culimada, ciidamada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed inay mudnaanta siiyaan wada hadalka, is-afgaradka iyo nabadda, iyagoo ku adkeeyay in xal waara lagu gaari karo oo keliya wada xaajood iyo isu tanaasul.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments