Sahan Media Muqdisho: Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in ugu yaraan 143 qaxooti oo muhaajiriin ah ay dhinteen ama la’yahay raq iyo ruux kadib markii ay degtay doon ku socotay Yurub oo maraysay xeebaha dalka Mauritania.
Markabka ayaa ka soo ambabaxay Bafuloto ee Gambia waxaana la badbaadiyay Luulyo 18 ka dib 25 maalmood oo uu ku jiray badda, isagoo siday meydad iyo 38 qof oo badbaaday markii uu gaaray dekedda Nouadhibou, sida ay sheegtay UNHCR.
“Mid ka mid ah dadkii ka badbaaday markabkaas ayaa yiri waxaa ku jiray laba carruur ah oo ku waayay dhammaan xubnaha qoyskooda intii aan safarka ku jirnay. Dadkii badbaaday hadda waxay ku soo kabanayaan isbitaalka,” ayuu yiri afhayeenka UNHCR Matt Saltmarsh oo la hadlay wariyeyaasha Geneva.
Qof kale ayaa ku dhintay markab kale oo ku degay Mauritania Luulyo 14.
Dadka dhintay waxay ka yimaadeen dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika, ayuu yiri, isagoon faahfaahin ka bixin sida ay u dhinteen.
Ilaalada xeebaha Mauritania ayaa tirada la waayay ku sheegay 122, isagoo sheegay in doontu ay ka dhammaatay shidaal ka dib markii ay ka baxday Gambia iyadoo ay saarnaayeen 160 qof.
UNHCR ayaa ku tilmaantay waddada loo maro Jasiiradaha Canary “mid ka mid ah kuwa ugu dhimashada badan adduunka”, waxay socdaan masaafooyin dhaadheer iyo raacaya doomo buux dhaafiyay oo aan habboonayn.
Mauritania waa meel muhiim ah oo looga baxo wadada Atlantic-ga, halkaas oo tobanaan kun oo qof ay isku dayaan inay gaaraan Jasiiradaha Canary, oo qayb ka ah Spain, sannad kasta.
Dadka soo gaaray sanadkan ayaa si weyn hoos ugu dhacay sababta oo ah howlgal ay Midowga Yurub maalgeliyeen.


