Sahan Media Muqdisho: Sarkaal ka tirsan ciidamada PSF, Cabdikhaaliq Awil, ahna xogahaya guud ee ciidankaan ayaa BBC-da u sheegay in ciidamo ka tirsan PSF oo watay siddeed gaari ay aroornimadii Isniinta, iyagoo ku jira “hawlgal amni oo caadi ah”, lagu hor istaagay deegaanka Laag oo qiyaastii 30 kiiloomitir u jira magaalada Boosaaso.
Mar la weydiiyay cidda ay PSF hoos tagto, Cabdikhaaliq Awil wuxuu sheegay in ciidanka uu hadda ka tirsan yahay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee dowladda federaalka.
“PSF waa ciidan federaal ah oo hoos taga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,” ayuu u sheegay BBC.
Hadalkan ayaa imanaya iyadoo Puntland ay hore ugu eedeysay dowladda federaalka inay ciidamo ka diiwaangelinayso gobollada Bari, Nugaal iyo Mudug.
BBC ayaa sidoo kale weydiisay sida ay sharci ahaan uga hawlgeli karaan deegaanno ay maamusho Puntland, balse Awil wuxuu ku dooday “in dastuurka federaalka uu dowladda dhexe siinayo mas’uuliyadda ciidamada difaaca, halka dowlad-goboleedyaduna ay leeyihiin ciidamada booliiska”.
“Shaqadayadu kuma salaysna diiwaangelin ciidan. Waxaan nahay ciidan loo aasaasay la dagaallanka argagixisada, mana wadno qorista ama diiwaangelinta ciidamo,” ayuu yiri isaga oo la hadlayay BBC-da.
Sida uu sheegaya Korneel Cabdiwaaxid Maxamuud Xasan oo ahaan jiray madaxii hore ee ciidammada Daraawiishta Puntland, PSF ayaa ka tirsanaan jirtay ciidan horey la isugu oran jiray PIS oo la aasaasay xilligii Cabdullaahi Yuusuf Axmed.
Ciidamadani markii hore waxay isugu jiri jireen milatari iyo sirdoon loogu talagalay la dagaallanka argagaixisada balse markii dambe waa la kala saaray, oo milatariga waxaa ku haray PSF, halka sirdoonkuna uu noqday mid ka baxsan.
“Ujeeddada loo aasaasay wuxuu ahaa la dagaalanka argagixisada maadaama argagixisadu ay wakhtigaasi Sebteembar 2001-dii wixii ka dambeeyay ay argagixisadu soo xoogeysatay, taliskanna muhiim uu u ahaa Geeska Afrika, Mareykankuna ay aad u daneynayeen.” ayuu yiri Korneel Cabdiwaaxid oo sharraxaya ujeeddada loo aasaasay ciidamadan.
Ma cadda waxa xiga ee ka dhalan doona khilaafka u dhexeeya Puntland iyo PSF ee haatan, iyadoo labada dhinac ay weli si weyn ugu kala aragti duwan yihiin sababta iska horimaadka.
Ciidamada Dowlad goboleedka Puntland iyo PSF ayaa horay iska hor imaad dhawr maalmood socday waxa uu ku dhexmaray magaalada Boosaaso sanadkii 2021-kii, kaa oo uu ka dhashay qasaare nafeed iyo mid hantiyeed.


