HomeWararka MaantaWasiir Yuhuudi ah oo galay Masjidka Al-Aqsa

Wasiir Yuhuudi ah oo galay Masjidka Al-Aqsa

Sahan Media Muqdisho: Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga, Isutagga Imaaraadka Carabta, Urdun, Masar, Qatar, Turkiga, Pakistan, iyo Indonesia ayaa soo saaray bayaan ay si adag ugu cambaareeyeen gelitaanka Itamar Ben Gvir, Wasiirka Amniga Qaranka Israa’iil, iyo boqolaal dad ah gudaha xarunta Masjidka Al-Aqsa.

Bayaanka oo la soo saaray fiidnimadii Khamiista ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay tahay xadgudub cad oo ka dhan ah xaaladda taariikhiga ah iyo tan sharci ee Masjidka Al-Aqsa, isla markaana ay tahay fal kicin ah oo aan la aqbali karin, kaas oo horseedi kara sii xumaanshaha xiisadda gobolka.

Siddeeda dal ayaa sidoo kale adkeeyay:

  • In la ixtiraamo masuuliyadda Urdun ee ilaalinta goobaha barakeysan ee Islaamka iyo Masiixiyadda ee magaalada Qudus.
  • In laga hortago isku day kasta oo lagu beddelayo xaaladda taariikhiga ah iyo tan sharci ee Masjidka Al-Aqsa.
  • In la joojiyo tallaabooyinka hal dhinac ah iyo falalka kicinta ah ee khatar gelin kara amniga iyo xasilloonida gobolka.
  • In la dhowro sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada Qaramada Midoobay ee la xiriira magaalada Qudus.

Bayaankan ayaa la soo saaray kadib markii Itamar Ben Gvir uu boqolaal Israa’iiliyiin ah la galay xarunta Masjidka Al-Aqsa, tallaabadaas oo si weyn u cambaareeyeen Falastiiniyiinta, Urdun, iyo dalal badan oo Carbeed iyo Islaami ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments