HomeWararka MaantaCabdiraxmaan Dujaan: Dowladda ayaa hub iyo ciidan ku soo daabulaysa Magaalada Galkacyo

Cabdiraxmaan Dujaan: Dowladda ayaa hub iyo ciidan ku soo daabulaysa Magaalada Galkacyo

Sahan Media Muqdisho: Xukuumadda Puntland, ayaa ku eedaysay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay hub iyo malayshiya beeleed ku soo daabulayso Magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug, oo sanadihii dambe ka soo kabanaysay dagaalo sokeeye.

Wasiir ku-xigeenka amniga Puntland Cabdiraxmaan Yuusuf Dujaan ayaa sheegay in dowladda federaalka waqtigeedu dhammaaday isla markaana ay isku dayeyso inay qalqal geliso xaaladda amniga Puntland. Wuxuu xusay in maamulka Puntland uusan aqbali doonin wax tallaabo ah oo wax u dhimaya xasilloonida deegaannadiisa.

Wasiir ku-xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in Puntland ay xaq u leedahay inay is difaacdo haddii ay la kulanto wax uu ku tilmaamay gardarro ama hanjabaad amni. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in hay’adaha amniga Puntland ay diyaar u yihiin ilaalinta nabadda iyo sugidda ammaanka shacabka.

Dhinaca kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya weli si rasmi ah ugama aysan jawaabin eedeymaha uu jeediyay Wasiir Ku-xigeenka Amniga Puntland. Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments