Sahan Media Muqdisho: Ciidanka uu hoggaamiyo Jimcaale Jamaac Takar ee fadhigoodu yahya duleedka Garoowe, ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay kaga hadleen wararka la xiriira suuragalnimada dagaal ka dhaca gudaha Puntland iyo xaaladda ka dhex taagan ciidamada.
War-saxaafadeedka ayaa mas’uuliyadda xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni dusha ka saaray hoggaanka Puntland, gaar ahaan Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, oo ay ku eedeyeen inuu hurinayo colaado, isla markaana laga digay in khilaafaadka siyaasadeed loo beddelo iska horimaad hubeysan oo saameeya shacabka iyo ciidamada.
Sidoo kale, Danab ayaa ugu baaqay shacabka iyo ciidamada Puntland inay muujiyaan is-xakameyn, kana fogaadaan dhiig daadasho iyo kala qaybsanaan, iyagoo sheegay in loo baahan yahay in khilaafaadka jira lagu xalliyo wada-hadal iyo hannaan nabadeed, si loo ilaaliyo amniga iyo xasilloonida Puntland.
Ugu dambeyn, war-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in Ciidanka PSF ay door muhiim ah ku lahaayeen sugidda amniga Puntland sannadihii la soo dhaafay, isla markaana lagu tilmaamay inay yihiin ciidan reer Puntland ah. Danab waxay ku baaqeen in la ilaaliyo midnimada ciidamada, lagana fogaado tallaabo kasta oo horseedi karta colaad iyo qalalaase cusub.


