Sahan Media Muqdisho: Qaar ka mid ah saaxiibrada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa walaac sii kordhaya ka muujiyay caqabadda siyaasadeed ee muddada dheer soo jiitamaysay, iyadoo ilo diblomaasiyadeed ay sheegayaan in dowladda federaalka loo sheegay inay gaarto heshiis siyaasadeed oo dhammaystiran ka hor dhammaadka bisha Agoosto ee sanadka 2026-ka.
Ilo-wareedyo xog-ogaal u ah arrintan ayaa sheegay in farriintaas loo gudbiyay sarkaal sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya, ka hor inta aan loo gudbin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in digniintu ay muujinayso walaac ay qabaan qaar ka mid ah la-hawlgalayaasha Soomaaliya oo ah in sii socoshada khilaafka siyaasadeed ee gudaha ay wiiqi karto dadaallada dhismaha dawladda, dib-u-habaynta hay’adaha iyo amniga.
Fariinta ayaa la sheegay inay ka digtay in taageerada horumarinta, maalgelinta mashaariicda iyo iskaashiga siyaasadeed dib loo qiimayn karo haddii hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ay ku guuldareystaan ​​inay gaaraan heshiis siyaasadeed oo dhammaystiran toddobaadyada soo socda.
Ilo diblomaasiyadeed ayaa sidoo kale sheegay in heerka xiriirka diblumaasiyadeed dib loo eegi karo haddii ismari waaga uu sii socdo.
Soomaaliya ayaa soo wajahday muranno siyaasadeed oo ku saabsan wax ka bedelka dastuurka, hannaanka doorashada iyo xiriirka dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka.
Khilaafkan ayaa dib u dhigay dadaalladii lagu doonayay in heshiis laga gaaro qaabka doorashada iyo dib u habeynta hay’adaha dowladda.
Inkastoo digniinta la sheegay ay muujinayso in dib u eegis lagu sameyn karo taageerada dibadda, haddana ma jiro go’aan rasmi ah oo lagu dhawaaqay in la hakiyo gargaarka ama la dhimo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo deeq-bixiyeyaasha.


