HomeWararka MaantaIsbahaysi looga hortagayo xuutiyiinta oo la abuuray

Isbahaysi looga hortagayo xuutiyiinta oo la abuuray

Sahan Media Muqdisho: Sacudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday qorshe lagu dhisayo isbahaysi caalami ah oo lagu ilaalinayo Badda Cas, si looga hortago weerarrada ay kooxda Xuutiyiinta ee Yemen oo ay taageerto Iran ku hayso maraakiibta.

Tobanaan waddan ayaa lagu casuumay inay ku biiraan isbahaysiga, waxaana goor dambe oo Khamiistii ahayd ay Sacuudi Carabiya sheegtay in 13 waddan ay arrintaas ogolaadeen.

Xuutiyiinta ayaa xayiraad dhanka badda ah ku soo rogay boqortooyada Luulyo 20, taasoo carqaladeysay shixnadaha saliidda ee loo weeciyay Badda Cas ka dib markii la xiray Marinka Hormuz. Warar ayaa sidoo kale soo baxayay oo sheegaya inay qorsheynayaan inay canshuur ku soo rogaan maraakiibta mara marin biyoodka Bab al-Mandeb ee xeebta Yemen.

Xiisadaha ka jira marin biyoodka Badda Cas ayaa sii saameeyay qiimaha tamarta adduunka iyo khadadka sahayda, iyadoo carqaladeyn xooggan ay ku timid dhoofinta Khaliijka.

Xulufadda cusub ee uu hoggaamiyo Sacuudiga ayaa lagu wadaa inay xarunteeda ku yeelato Riyadh waxaana la shaacin doonaa Khamiista soo socota, sida ay sheegayaan wararka.

Yaa ku biiraya isbahaysiga?
Waxaa la fahamsan yahay in waddamada kala ah Turkiga, Kuwait, Baxreyn, Qatar, Urdun, Masar, Baakistaan, Jabuuti, Soomaaliya, Bangladesh, Yemen, Suudaan iyo Komoros ay yihiin kuwa saxiixay isbahaysiga, marka laga soo tago Sacuudi Carabiya.

Imaaraadka Carabta iyo Cumaan midkoodna kuma biirin isbahaysiga, inkastoo ay wadaagaan yoolal amni oo isku mid ah xilli uu jiro khilaaf salka ku haya dalka Iiraan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments