Sahan Media Muqdisho: Lataliyaha sare ee madaxweyne Trump ayaa sheegay in Maraykanku aanu wadin mawqif ka dhan ah Itoobiya.
La-taliyaha sare ee Madaxweyne Trump ee arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos, ayaa dhawaan magaalada Qaahira kula kulmay wasiirrada arrimaha dibadda ee Masar, Eritrea iyo Soomaaliya.
Toddobaad ka dib markii uu wadahadalku dhammaaday, waxa uu bartiisa xiriirka bulshada ee X ku qoray in wadahadalladii uu la yeeshay wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalkan si khaldan loo fasiray.
Mas’uulkan ayaa magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar kulan gaar ah kula qaatay wasiirka arrimaha dibadda Eritrea Cusmaan Saalax, wasiirka arrimaha dibadda Masar Badri Abdelatty iyo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali.
Waxa uu sheegay in ay ka wadahadleen nabadda iyo xasiloonida geeska Afrika.
Dhawaan ayaa ka dib markii ay kulan ku yeesheen magaalada Qaahira, wasiirrada arrimaha dibadda ee Masar iyo Ereteriya, waxay muujiyeen mowqifkooda ku aaddan dalabka Itoobiya ee marinka badda, iyagoo sheegay in arrinta ku saabsan “ammaanka iyo maamulka badda cas ay khusayso oo keliya dalalka ku teedsan xeebaha badda cas.


