HomeWararka MaantaQorshaha Trump ee Xamaas hubka lagaga dhigayo oo la diiday

Qorshaha Trump ee Xamaas hubka lagaga dhigayo oo la diiday

Sahan Media Muqdisho: Israa’iil ayaa diiday qorshaha “Golaha Nabadda” ee Gaza, iyadoo sheegtay in aysan ciidamadeeda kala bixi doonin Marinka Gaza ilaa Xamaas si buuxda hubka looga dhigo.

Qorshahan oo ka kooban 15 qodob ayaa faahfaahinaya wejiga labaad ee heshiiskii xabbad-joojinta ee la gaaray bishii Oktoobar ee sannadkii hore, kaas oo soo afjaray laba sano oo dagaal ah oo u dhexeeyay Israa’iil iyo Xamaas.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Axaddii sheegay in ciidamada Israa’iil ay sii wadi doonaan howlgalladooda gudaha dhulka Falastiin, isla markaana aysan ciidamadu ka bixin doonin ka hor inta aan la helin waxa uu ku tilmaamay “hub-ka-dhigis dhab ah oo Xamaas lagu sameeyo.”

Mowqifkan Israa’iil ayaa caqabad weyn ku ah ujeedka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo hoggaamiya Golaha Nabadda Adduunka, isaga oo bishii hore sheegay in “horumar weyn” laga gaaray qorshaha golaha ee Gaza.

Trump ayaa sheegay in Xamaas oo ku dhowaad labaatan sano xukumeesay Marinka Gaza ay oggolaatay inay hubka dhigto, isagoo intaas ku daray in Israa’iil ay “aad ugu faraxsan tahay” heshiiska.

Sida ku cad qorshaha uu diyaariyay Golaha Nabadda, Israa’iil waa inay si tartiib-tartiib ah ciidamadeeda uga saarto Gaza iyadoo ay barbar socoto hub-ka-dhigista Xamaas. Arrintaas ayuu Netanyahu si cad u diiday.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments