Sahan Media Muqdisho: 230 qof oo saarnaa hal doon oo kuwa wax lagu tahriibiya ah ayaa gaaray UK ka dib markii ay ka gudbeen Kanaalka Ingiriiska, iyadoo dowladdu ay cambaareysay waxa ay ku tilmaantay “xeelado aan taxaddar lahayn oo khatar ah” oo ay isticmaalaan kooxaha tahriibiya.
Doontu waxay ka baxday Faransiiska goor dambe oo Axad ah waxayna gaartay xeebta Ingiriiska Isniintii hore ka dib markii ay qabteen mas’uuliyiinta Ingiriiska.
Tiradani waxay jebisay rikoodhkii hore ee la diiwaangeliyay bishii hore, markaas oo 165 qof ay si guul leh u sameeyeen safarkaas.
Dadka tahriibiyeyaasha ah ayaa kordhinaya tirada muhaajiriinta la isku ciriiriyo doonyaha.
Dooni yar oo sidday 173 qof oo ku sii jeeday UK ayaa ku rogmatay marinka biyaha ee Channel-ka, kadib markii matoorkeedu uu dab qabsaday horraantii bishan.
Dhacdadan ugu dambeysay waxay muujinaysaa xeeladaha aan taxaddarka lahayn iyo kuwa khatarta ah ee ay adeegsadaan kooxaha dambiilayaasha ah ee fududeynaya safaradan, kuwaas oo sii wada inay nolosha halis geliyaan iyagoo dad badan ku soo raranaya maraakiib aan habboonayn,” ayuu yiri afhayeenka Xafiiska Arrimaha Gudaha.
“Waxaan sameyneynay horumar, iyadoo tirada dadkaaan badnayn ee ka gudbaya doonyaha ay hoos u dhacday sanadkan
Tirakoobyada ku meel gaarka ah waxay muujinayaan in 14,819 qof ay ka gudbeen Kanaalka Ingiriiska ilaa hadda sanadkan iyagoo ka yimid Faransiiska, taasoo ah hoos u dhac 43 boqolkiiba ah marka la barbar dhigo Janaayo ilaa bartamihii Luulyo sannadkii hore.


