Sahan Media Muqdisho: Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa si adag u cambaareeyay waxa ay ku tilmaameen weerar ay Iran geysatay goor dambe oo Khamiis ah, kaas oo lagu beegsaday laba markab oo ay leedahay Shirkadda Shidaalka Qaranka ee Abu Dhabi (ADNOC) xilli ay marayeen Marinka Hormuz.
Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka ayaa lagu sheegay inaan wax khasaare nafeed ah laga soo sheegin weerarkaas, kaas oo ay ku tilmaameen “xad-gudub cad” oo ka dhan ah Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay lambarkiisu yahay 2817 ee ku saabsan xorriyadda marinka badda.
Wasaaraddu waxay sheegtay in beegsiga maraakiibta ganacsiga iyo carqaladeynta waddooyinka badda ee caalamiga ah ay khatar ku yihiin xasilloonida gobolka iyo amniga tamarta caalamka.
Waxay ku eedaysay Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) inay ku kaceen “falal burcad-badeednimo,” iyadoo sheegtay in isticmaalka Marinka Hormuz loo adeegsanayo qalab lagu sameeyo “cadaadis dhaqaale ama handadaad” ay khatar toos ah ku tahay gobolka iyo dadkiisa.
Imaaraadka ayaa ugu baaqay Iran inay joojiso waxa ay ugu yeereen “weeraro aan la daandaansan” (oo aan sabab lahayn) isla markaana ay si buuxda uga go’naato joojinta degdegga ah ee colaadaha.
Waxay sidoo kale dalbadeen in “si buuxda oo shuruud la’aan ah” dib loo furo Marinka Hormuz, iyagoo sheegay in tallaabadani ay lagama maarmaan u tahay ilaalinta amniga gobolka iyo joogteynta xasilloonida dhaqaalaha iyo ganacsiga caalamka.


