Sahan Media Muqdisho: Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa waxaa maanta ka bilaabanaya wadahadalo lagu dhammaystirayo heshiiska Cabdirashiid Janan iyo Madaxweyne Axmed Madoobe.
Kulamada maanta ayaa si rasmi ah looga soo saari dooonaa heshiis rasmi ah oo lagu soo afmeerayo khilaafkii siyaasadeed iyo amni ee muddo ka dhex jiray Cabdirashiid Janan iyo maamulka Jubbaland, iyadoo dhinacyadu ay ka wada shaqeynayaan sidii loo dejin lahaa xaaladda Gobolka Gedo loona bilaabi lahaa fulinta qodobadii hore loogu heshiiyay.
Cabdirashiid Janan iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Gedo, Nasteex, ayaa shalay ka baxay magaalada Beledxaawo, iyagoo u safray dalka Kenya, halkaas oo ay kula kulmi doonaan guddiga dhexdhexaadinta iyo maamulka Jubbaland.
Kulamadaan ayaa waxaa garwadeen ka ah saraakiil ka socota dowladda Kenya, xubno reer Jubbaland ah iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta ay isku haybta yihiin Cabdirashiid Janan iyo Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).


