HomeWararka MaantaTaliyaha ciidamada Pakistan ayaa wadahadallo la yeeshay Iran si looga hortago sii...

Taliyaha ciidamada Pakistan ayaa wadahadallo la yeeshay Iran si looga hortago sii xoogeysiga xiisadda.

Sahan Media Muqdisho: Taliyaha ciidamada Pakistan, Field Marshal Asim Munir, ayaa booqasho hal maalin ah oo uu ku tagay Tehran uga faa’iidaystay inuu ku baaqo in dib loo furo marinka Hormuz (Strait of Hormuz) iyo in si degdeg ah loo soo afjaro dagaalka u dhexeeya Iran iyo Mareykanka.

Sida ay sheegtay hay’adda Inter-Services Public Relations (ISPR) oo ah qaybta warbaahinta ee ciidamada qalabka sida ee Pakistan, Munir wuxuu la kulmay Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian, Wasiirka Arrimaha Dibadda Abbas Araghchi iyo saraakiil kale oo sarsare. Waxaa safarkaas ku weheliyay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Pakistan, Mohsin Naqvi.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii looga hortagi lahaa sii xoogeysiga xiisadda iyo sidii loo heli lahaa xal wadahadal lagu gaaro oo lagu soo afjarayo khilaafka, sida ay sheegtay ISPR.

Saraakiisha Iran ayaa soo dhaweeyay dadaallada Pakistan ay ku fududeyneyso wadahadalka, sida lagu sheegay bayaanka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments