HomeWararka MaantaXoghayaha Ciidanka Mareykanka ayaa iska casilay xilkiisa

Xoghayaha Ciidanka Mareykanka ayaa iska casilay xilkiisa

Sahan Media Muqdisho: Aqalka Cad ayaa Isniintii xaqiijiyay in Dan Driscoll, oo ah sarkaal sare oo rayid ah oo ka tirsan Ciidanka Dhulka ee Mareykanka, uu xilka iska casilay, kadib markii la soo wariyay xiisad kala dhaxaysay Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth.

“Driscoll wuxuu si weyn uga shaqeeyay hirgelinta qorshaha Madaxweyne Trump ee ahaa ‘In Mareykanka Mar Kale Loo Sameeyo Awood’ (Make America Strong Again) ee la xiriira Waaxda Ciidanka Dhulka,” ayay tiri Anna Kelly, oo ah ku-xigeenka afhayeenka Aqalka Cad, iyadoo hadal qoraal ah soo saartay Isniintii.

“Ciidanka Dhulka ee Mareykanka ayaa hadda ka awood badan sidii hore, taasna waxaa sabab u ah shaqadii uu qabtay isagoo kaashanaya Taliyaha Guud iyo Xoghayaha Difaaca,” ayay raacisay.

Bixitaanka Driscoll ayaa ku soo beegmay xilli ay jiraan calaamado muujinaya walaac ka jira Pentagon-ka oo ku saabsan sida maamulka Trump uu u wado dagaalka ka dhanka ah Iran.

Taliyayaasha ciidanka dhulka, badda iyo cirka, iyo saraakiisha darajada sare leh (oo leh afar xiddigood) ee kormeera hawlgallada Mareykanka ee Yurub, Aasiya iyo Latin Amerika, ayaa uga digay Hegseth in dheereynta hawlgallada waaweyn ay wiiqi karto awoodda Mareykanka ee uu kula dagaallami karo cadowga kale, sida ay qortay jariiradda Washington Post maalintii Isniinta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments