Sahan Media Muqdisho: Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Jeneraal Dagvin Anderson, ayaa sheegay in Xuutiyiinta Yemen ay qorsheynayaan inay deegaano ka tirsan Soomaaliya geeyaan nidaamyo raadaarro ah, kuwaas oo loogu talagalay la socodka dhaqdhaqaaqa maraakiibta iyo xaaladda guud ee xeebaha Soomaaliya.
Jeneraal Anderson oo hadal siiyey wargeyska The Wall Street Journal ayaa sheegay in nidaamyadan la qorsheynayo in la geeyo deegaano ay maamusho kooxda Al-Shabaab. Arrintan ayaa, sida uu tilmaamay, qeyb ka ah xiriir sii xoogeysanaya oo u dhexeeya Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab, kaas oo uu sheegay inuu ku saleysan yahay iskaashi dhinacyada tababarrada militari, hubka casriga ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Taliska AFRICOM ayaa sheegay in Xuutiyiintu ay horey Al-Shabaab ula wadaageen tababbarro heer sare ah iyo qalab casri ah oo dagaal. Washington ayaa xiriirkan u aragta mid kordhin kara awoodda labada kooxood, gaar ahaan iyadoo Al-Shabaab ay ka howlgasho Soomaaliya, halka Xuutiyiintuna ay awood ku leeyihiin qaybo ka mid ah Yemen iyo marin-biyoodka muhiimka ah ee Badda Cas.
Anderson ayaa sheegay in Al-Shabaab ay isku dayeyso inay isu beddesho khatar ka gudubta xuduudaha Soomaaliya. Wuxuu xusay in Mareykanku kulamo albaabadu u xiran yihiin uu dalalka gobolka Geeska Afrika kula wadaagay walaaca ku saabsan xiriirka sii xoogeysanaya ee labada dhinac, gaar ahaan waxa uu ku tilmaamay isku xirnaanta dhinacyada militari, dhaqaale iyo saameynta gobolka.