HomeWararka MaantaSagal Cabdiwali oo loo doortay Musharraxa xisbiga shaqaalaha ee kursigii Keir Starmer...

Sagal Cabdiwali oo loo doortay Musharraxa xisbiga shaqaalaha ee kursigii Keir Starmer Uk.

Sahan Media Muqdisho: Xisbiga Labour ee dalka Britain ayaa Sagal Abdi-Wali, ayaa gabadh Soomaaliyeed ahna hoggaamiyaha golaha deegaanka Camden, u doortay musharraxa xisbiga ee kursiga baarlamaanka Holborn iyo St Pancras, kaddib markii Ra’iisul Wasaarihii hore ee Britain Keir Starmer uu sheegay inuu ka degayo xilka.

Doorashada kursiga ayaa la filayaa inay dhacdo 6-da Oktoobar, iyadoo Sagal Abdi-Wali ay Labour u matali doonto doorashada ku celiska ah ee lagu buuxinayo kursiga uu banneeyay Starmer.

Sagal Abdi-Wali ayaa Britain lagu keenay iyadoo ah qaxooti ka soo jeeda Soomaaliya. Waxay muddo ka soo shaqaynaysay deegaanka, iyadoo xubin ka ahayd golaha deegaanka, guddoomiye dugsi iyo dhaqdhaqaaqe arrimaha bulshada ah.

Xulashadeeda ayaa timid kaddib muran ka dhashay hadal uu bartiisa X ku qoray Zia Yusuf, oo ka tirsan xisbiga Reform UK. Zia Yusuf ayaa lagu eedeeyay cunsuriyad kaddib markii uu xusay in Sagal ay Soomaaliya ku dhalatay, xilli warbaahintu ay sheegaysay inay ahayd musharraxa ugu cadcad ee Labour.

Sagal Abdi-Wali ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay kalsoonida ay xubnaha Labour ee deegaanka u muujiyeen, iyadoo xustay in deegaanka Holborn iyo St Pancras uu qoyskeeda soo dhaweeyay markii ay qaxooti ahaan Britain yimaadeen.

Waxay sheegtay inay doonayso inay dib ugu adeegto bulshada deegaanka oo ay nolosheeda ku soo qaadatay, iyadoo ololaheeda ku saleeynaysa baahiyaha iyo danaha dadka deegaanka.

Doorashada ku celiska ah ayaa la filayaa inay noqoto tartan adag, iyadoo Xisbiga Greens uu u muuqdo kan ugu weyn ee caqabad ku noqon kara Labour. Hoggaamiyaha Greens, Zack Polanski, ayaa doonaya inuu u tartamo kursiga, balse waxaa magacaabistiisa kula loollamaya xildhibaan deegaanka ah oo lagu magacaabo Hamza Chowdhury.

Labour ayaa kursigan London ka tirsan si joogto ah u haysay tan iyo markii deegaanka doorashada la sameeyay 1983-kii. Doorashadii guud ee 2024, Starmer ayaa kursiga ku guuleystay isagoo helay 48.9 boqolkiiba codadka, halka musharrax madax-bannaan Andrew Feinstein uu galay kaalinta labaad, isagoo helay 18.9 boqolkiiba, Greens-na uu galay kaalinta saddexaad isgoo helay 10.4 boqolkiiba.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments