HomeWararka MaantaSoomaali Guantanamo Bay lagu xiray

Soomaali Guantanamo Bay lagu xiray

Sahan Media Muqdisho: Nin Soomaali ah oo si sharci ah ugu noolaa gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa loo qaaday xabsiga milatari ee Guantanamo Bay ee dalka Cuba, sida ay sheegeen isaga iyo qareenkiisa.

Aadam Abdullah oo 31 jir ah ayaa sheegay in saraakiil federaal ah ay ku xireen magaalada St Paul 12-kii December, xilli maamulka Madaxweyne Donald Trump uu bilaabay hawlgal uu ugu magac daray “Operation Metro Surge”.

Aadam ayaa sheegay in saraakiishu aysan tusin waaran ama aysan u sheegin sababta loo xirayo, balse ay u sheegeen oo keliya inay yihiin saraakiil socdaal oo ajaanibta qaabilsan.

Wuxuu Maraykanka yimid 2023 isagoo magangalyo-doon ah, waxaana loo oggolaaday inuu shaqeeyo, isagoo helay rukhsad shaqo iyo lambarka Social Security-ga. Intii uu dalka joogay wuxuu ka shaqeynayay farsamada baabuurta.

Baadhitaan lagu sameeyay diiwaannada maxkamadaha Minnesota ayaa lagu sheegay in aan laga helin wax dembi ah oo uu galay, marka laga reebo laba ganaax oo la xiriiray baarkin oo la siiyay horraantii 2025.

Ninkaan ayaa sheegay in markii la xiray loo kala qaaday xarumo lagu hayo dadka socdaalka ku xadgudba oo ku yaalla Minnesota, Kentucky iyo Louisiana, ka hor inta aan loo sheegin in Soomaaliya dib loogu celinayo isagoo sii maraya magaalada Miami.

Hase yeeshee, halkii Soomaaliya loo qaadi lahaa, waxaa loo diray Guantanamo Bay, halkaas oo uu sheegay inuu ku jiray ku dhowaad laba toddobaad. Wuxuu sheegay in halkaas ay kula jiraan toddobo Soomaali ah oo kale, qaar ka mid ahna lagu xiray gobolka Minnesota.

Qareenkiisa, Marc Prokosch, ayaa sheegay in Abdullah uu yahay qofkii ugu horreeyay ee uu qareen ahaan u matalo oo lagu hayo Guantanamo Bay, isagoo sheegay in helitaanka macmiilkiisa uu yahay mid adag.

Sida uu sheegay, wada-hadallada telefoonka ayaa mararka qaar ku koobnaada shan ilaa 10 daqiiqo, iyadoo aan sidoo kale caddayn laga hayn in wada-hadalladaas ay yihiin kuwo sir ah oo u dhexeeya qareenka iyo qofka uu matalayo.

Maxkamad ku taalla Washington ayaa oggolaatay in dacwadda ay sii socoto, waxaana dhageysi loo qorsheeyay 14-ka October.

Xukuumadda Maraykanka ayaa dhankeeda sheegtay in duulimaad dhawaan dadka socdaalka ku xiran loogu qaaday Guantanamo ay saarnaayeen waxa ay ku tilmaantay “kuwa ugu khatarta badan dadka si sharci-darro ah dalka ku jooga.”

Waaxda Amniga Gudaha ee Maraykanka kama jawaabin su’aalaha ku saabsan tirada dadka hadda lagu hayo Guantanamo ama sababta gaarka ah ee loo xiray Abdullah.

Guantanamo Bay ayaa muddo dheer lala xiriirinayay dadka lagu tuhmo dambiyada argagixisanimo. Soomaali hore ayaa sidoo kale lagu hayay xaruntaas, oo uu ka mid yahay Guled Xasan Duran oo ku dhowaad labaatan sano lagu hayay Guantanamo, balse aan weligiis lagu soo oogin dacwad dambi.

Duran ayaa 2022 loo oggolaaday in Soomaaliya lagu wareejiyo kadib markii guddiga dib-u-eegista amniga ee Maraykanku go’aamiyay inuusan hadda ahayn khatar weyn oo amni.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments