HomeWararka MaantaKenya oo ka hadashay howlgallada ka dhanka ah Ganacsatada ajaaniibta ah

Kenya oo ka hadashay howlgallada ka dhanka ah Ganacsatada ajaaniibta ah

Sahan Media Muqdisho: Wareysi gaar ah oo uu bixiyay Wasiirka Maalgashiga, Ganacsiga iyo Warshadaha, Lee Kinyanjui, ayuu ku sheegay in dowladdu ay qaadayso tallaabooyin lagu qancinayo muwaadiniinta ajnabiga ah iyo maalgashadayaasha walaaca ka muujiyay fasiraadaha kala duwan ee laga bixiyay hadallada madaxweynaha.

Kinyanjui ayaa sidoo kale meesha ka saaray in xaaladda Kenya lala barbar dhigo dhacdooyinkii ajaanib-diidka ahaa ee ka dhacay Koonfur Afrika.

“Ma jiro wax isbarbardhig ah oo u dhexeeya xaaladda Kenya iyo tan Koonfur Afrika, Waxaan hubin doonnaa in arrintan aan laga leexin macnaheeda. Kenya waxay sii ahaan doontaa hoy u furan dhammaan Afrikaanka doonaya inay halkan yimaadaan. Waxaan diyaar u nahay inaan cid kasta ganacsi la sameyno, haddii ay sharciga raacdo,” ayuu yiri.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in fulinta awaamiirta madaxweynaha ay mas’uuliyaddeedu saaran tahay dowladda oo keliya, ee aysan ahayn muwaadiniinta, isaga oo ka digay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono qof kasta oo sharciga gacantiisa ku qaata, ha ahaado Kenyan ama ajnabi.

Sida uu sheegay Kinyanjui, wararka qaar ee arrintan laga qoray ayaa loo buunbuuniyay si aan loo baahnayn, iyadoo sidoo kalena ay arrinta saameyn ku yeesheen dano siyaasadeed.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments