Sahan Media Muqdisho: Mauritius ayaa Sabtidii diiday ogolaanshaha degitaanka diyaarad loo qorsheeyay Israa’iil, taasoo qasabtay in la baajiyo ka dib markii dadaallo lagu doonayay in lagu helo ogolaansho ay ku guuldareysteen, sida ay ku warantay warbaahinta Israa’iil.
Mareegta wararka ee Ynet ayaa sheegtay in duulimaadka Air Seychelles uu ahaa inuu ka baxo Israa’iil una socdo Mauritius laakiin la joojiyay ka dib markii mas’uuliyiintu aysan oggolaan inay degto.
Spirit World Productions, oo ah shirkadda dalxiiska Israa’iil ee ka dambeysay safarka, ayaa sheegtay in duulimaadku uu helay oggolaansho dhowr bilood ka hor.
Shirkaddu waxay sheegtay in lagu wargeliyay in diidmada ay ku salaysnayd “tixgelin siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed.”
Mas’uuliyiinta Mauritius weli kama aysan hadlin go’aanka.
Ilo wareedyo la socda arrinta ayaa u sheegay Channel 12 ee Israa’iil in diidmada ay la xiriirto maqnaanshaha wafdiga Mauritius intii lagu jiray khudbaddii toddobaadkan uu jeediyay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo ka dhacday Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Spirit World Productions ayaa sheegtay inay la shaqeyneyso Air Seychelles iyo mas’uuliyiinta qabanqaabada rakaabka ay dhibaatadu saameysey.


