Sahan Media Muqdisho: Wasaaradda Gaadiidka Kongo ayaa sheegtay in shil diyaaradeed uu ka dhacay koonfur-galbeed Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo ay ku dhinteen 17 qof, oo ay ku jiraan laba ka mid ah saraakiisha ugu sarreeya garsoorka milatariga dalka. Diyaarad yar oo siday wafdi ka tirsan saraakiisha garsoorka milatariga ayaa shil gashay abaaro saacadda 13:00 ee GMT maalintii Jimcaha, meel u dhow magaalada Kenge ee gobolka Kwango, taas oo qiyaastii 200 oo kiiloomitir (125 mayl) dhanka bari ka xigta caasimadda Kinshasa.
Gaadiidka hawada ayaa door muhiim ah ka ciyaara dalkan baaxadda leh, halkaas oo shabakadda waddooyinku ay inta badan ku jiraan xaalad liidata. Hase yeeshee, safarka hawadu wuxuu leeyahay khatar u gaar ah, maadaama garoomada diyaaradaha iyo qalabka hagidda qaarkood ee dalka kuyaal iyaguna haysato xaalad liidata.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka ayaa lagu sheegay in diyaaradda shilka gashay ay ahayd nooca yar ee Let 410 UVP, taas oo ay hawlgelinaysay shirkadda Tracep Congo Aviation. Shilka waxaa ku dhintay 13 rakaab ah iyo afar xubnood oo ka tirsan shaqaalaha diyaaradda, ayaa lagu daray warka.

Labada sarkaal ee sare ee shilka ku dhintay ayaa lagu kala magacaabay Joseph Mutombo, oo ahaa madaxa maxkamadda sare ee milatariga, iyo Lucien-Rene Likulia, oo ahaa hanti-dhawraha guud ee ciidamada qalabka sida. Labada ninba waxay haysteen darajada lieutenant general. Likulia, oo uu magacaabay Madaxweyne Felix Tshisekedi, ayaa ahaa ninkii dacwadda ku oogay madaxweynihii hore Joseph Kabila intii lagu guda jiray maxkamadeyntii dhacday Sebtembar 2025 — taas oo lagu qabtay isagoo aan goobjoog ahayn — waxaana lagu helay dambi ah khiyaano qaran iyo dambiyo dagaal, iyadoo lagu xukumay dil. Tshisekedi ayaa amar ku bixiyay in baaritaan lagu sameeyo shilkaas.


