Sahan Media Muqdisho: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in doorashada laga qaban doono deegaannada Jubaland ee ay suurtagal tahay in codbixintu ka dhacdo, halka meelaha aan xaaladdoodu saamaxayn doorasho lagu dabaqi doono hannaanada doorasho ee loogu talagalay xaaladaha noocaas ah.
Wareysi uu bixiyay ayuu Xamse Cabdi Barre ku sheegay in dowladda federaalku ay doonayso in Jubaland ay qayb ka noqoto geeddi-socodka doorashada, iyadoo codbixinta laga qabanayo goobaha ay duruufuhu saamaxaan.
“Doorashadu way dhici doontaa, waxaana lagu qaban doonaa meel kasta oo ay suurtagal tahay,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xaaladda Jubaland ay ka duwan tahay tan qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada kale, isaga oo xusay in dowladda federaalku aysan aqoonsanayn nidaamka maamulka ee hadda ka jira Jubaland.
Wuxuu tusaale u soo qaatay deegaanno ay ka mid yihiin Jilib, Bu’aale, Hagar, Jamaame iyo Badhaadhe, isaga oo sheegay in haddii xaaladaha amni ama duruufo kale ay ka hor istaagaan in codbixintu ka dhacdo deegaannadaas iyo kuwo kale, la adeegsan doono habraacyada doorashada ee loogu talagalay meelaha aan codbixintu ka dhici karin.
Xamse ayaa sheegay in nidaamka “hal deegaan doorasho” uu leeyahay hannaan lagu maareyn karo xaaladaha ay qaar ka mid ah goobaha codbixintu ka suurtoobi weydo.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu tusaale u soo qaatay doorashooyin hore uga dhacay dalal ay ka mid yihiin Ciraaq iyo Afgaanistaan, halkaas oo sida uu sheegay ay jireen deegaanno aan codbixin ka dhicin, balse la adeegsaday hannaan lagu dhammaystiray geeddi-socodka doorashada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladda Waqooyi Bari, isaga oo sheegay in halkaas laga bilaabi doono diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo doorashooyinka dowladaha hoose, halka hoggaanka iyo baarlamaanku ay sii wadanayaan muddo-xileedyadooda hadda jira.
Wuxuu sheegay in Puntland ay leedahay xaalad ka duwan tan dowlad-goboleedyada kale.


