HomeWararka MaantaNatiijada doorashada ku celiska ah ee Galmudug oo la shaaciyey

Natiijada doorashada ku celiska ah ee Galmudug oo la shaaciyey

Sahan Media Muqdisho: Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ku dhawaaqay natiijada doorashadii ku celiska ahayd ee Golaha Wakiillada iyo Golaha Deegaanka ee dowlad-goboleedka Galmudug.

Guddoomiyaha guddiga, Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa sheegay in doorashadu ka dhacday 11 degmo, iyadoo ay ku tartameen 12 urur siyaasadeed. Sida uu guddigu sheegay, cod-bixiyeyaasha ka qayb galay doorashada Golaha Wakiillada ayaa gaaray 109,475 cod, kuwaas oo 106,374 ay ahaayeen codad ansax ah, halka 3,101 cod la diiday.

Guddigu waxa kale oo uu shaaciyey natiijada doorashada Golaha Deegaanka, oo lagu tartamay 243 kursi. Tirada guud ee codadka la dhiibtay waxay ahayd 109,475, halka codadka ansaxay ay gaarayeen 106,894, sida uu sheegay guddoomiyaha guddiga.

Guddoomiyaha guddiga ayaa sheegay in natiijada la shaaciyey ay timid kaddib markii la soo gabagabeeyey tirinta iyo isu-geynta codadka doorashada, Wuxuu sidoo kale u mahadceliyey shacabka Galmudug, ururradii siyaasadeed ee ka qayb galay tartanka iyo dhammaan dhinacyadii ka shaqeeyey qabsoomidda doorashada.

Doorashadan ayaa qayb ka ah hannaanka doorashooyinka qof iyo cod ee Soomaaliya, iyadoo guddiga doorashooyinku xusay in hawsha doorashooyinka ay ka socotay meelo kala duwan oo dalka ah, oo ay ku jiraan gobolka Banaadir, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, halka diyaar-garowga doorashooyinka uu ka socdo Hirshabeelle.

Guddiga ayaa sheegay in hawlaha doorashooyinka ay qayb ka yihiin diyaar-garowga doorashooyinka heer federaal ee dalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments