Sahan Media Muqdisho: Ciidamada Badda Puntland ee PMPF ayaa magaalada Boosaaso soo gaarsiiyay markabka HONOUR 25, oo ay sheegeen inay 29-kii September ka soo badbaadiyeen koox burcad-badeed ah.
Markabka oo ku gooshayay calanka Jasiiradda Palau ayaa lagu soo wareejiyay ciidamada Puntland kaddib markii ay burcad-badeeddu afduubteen, sida ay sheegeen saraakiisha PMPF.
Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Puntland ayaa maanta kormeer ku sameeyay markabka, iyadoo saraakiisha PMPF ay ka warbixiyeen xaaladda markabka, shaqaalaha saaran, hantida ku jirta iyo hawlgalkii lagu soo badbaadiyay.
Saraakiisha amniga Puntland waxay sheegeen in dad lagu qabtay hawlgalka burcad-badeednimada loo gudbiyay hay’adaha kale ee amniga ee ay khusayso.
Masuuliyiinta markabka ayaa dhankooda uga mahadceliyay Puntland hawlgalka lagu soo badbaadiyay markabka iyo shaqaalihiisa.
Puntland ayaa sheegtay inay sii wadi doonto hawlgallada lagu sugayo amniga xeebaha iyo la dagaallanka burcad-badeednimada, iyadoo digniin u dirtay dadka ku lug leh falalka burcad-badeednimada.


