Sahan Media Muqdisho: Madaxweynaha Türkiye Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in dalkiisa uu bilaabay dhismaha xarun hawada sare (spaceport) oo laga hirgelinayo Soomaaliya, taas oo qayb ka ah iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dal ee dhinaca tiknoolajiyadda iyo hawada sare.
Erdoğan ayaa sheegay in go’aanka Soomaaliya lagu doortay uu la xiriira xaaladaha juqraafiyeed ee Türkiye iyo baahida loo qabo in la helo goob ku habboon oo laga sameeyo adeegyada iyo hawlaha la xiriira hawada sare, xilli uu aad u wanaagsan yahay xiriirka kala dhexeeya dowladda federalka ah ee Soomaaliya.
“Soomaaliya waxaan ka bilaawnay dhismaha spaceport-ka aan halkaas ka hirgelinayno, waxaana si go’aan leh u sii wadaynaa shaqada lagu xaqiijinayo mashruucan istiraatiijiga ah”, Ayaa lagu yiri bayaanka Erdogan, waxaana mashruucaan loogu talagalay in uu kordhiyo awoodda Türkiye ee helitaanka hawada sare, isla markaana uu gacan ka geysto horumarinta nidaamka hawada sare ee qaaradda Afrika.
Dowladda Türkiye waxay sheegtay in naqshadaynta mashruuca saddexda weji ah la dhammaystiray, iyadoo dhismahana loo bilaabay hay’adda hawada sare ee Türkiye, iyadoo mashruucaani uu qayb weyn ka qaadan doono iskaashiga dhanka ammaanka ah ee labada dal.


