HomeWararka MaantaMadaxweyne Xasan Sheekh: Al-Shabaab mar dambe Soomaaliya oo dhan ma qabsan karto

Madaxweyne Xasan Sheekh: Al-Shabaab mar dambe Soomaaliya oo dhan ma qabsan karto

Sahan Media Muqdisho: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dagaalka lagula jiro Al-Shabaab uu sii socon karo muddo kale, balse uusan jirin suurtagal ay kooxdaasi mar kale kula wareegi karto gacan-ku-haynta guud ee dalka.

Madaxweynaha oo wareysi siiya warbaahinta Alajzeera, ayaa sheegay in Al-Shabaab xilli hore ay si weyn ugu fidday dalka, xitaa madaxtooyada Soomaaliya ay weerarro kala kulmi jirtay meel aad ugu dhow, halka maanta uu sheegay in kooxda ay boqolaal kiiloomitir u jirto Muqdisho.

“Dagaalkani waxaa laga yaabaa inuu sii socdo muddo yar oo dheeraad ah, laakiin ma jirto wax suurtagal ah oo Al-Shabaab ay mar kale dalka oo dhan kula wareegi karto,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Wuxuu tilmaamay in xaaladda amni ee Soomaaliya ay isbeddeshay, isagoo ku dooday in horumar laga sameeyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, marka loo eego xilligii kooxda ay awoodda badan ku lahayd qeybo badan oo dalka ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale meesha ka saaray suurtagalnimada in Soomaaliya ay dib ugu laabato dagaallo sokeeye, dagaallo beeleed ama dagaal siyaasadeed.

“Al-Shabaab inay soo laabato waa wax aan suurtagal ahayn, sidoo kalena suurtagal ma aha in dalku dib ugu laabto dagaal sokeeye, dagaal beeleed ama dagaal siyaasadeed,” ayuu yiri madaxweynaha.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments