Sahan Media Muqdisho: Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad oo lagu xoojinayo iskaashiga labada baarlamaan, kaas oo diiradda saaraya is-weydaarsiga khibradaha, tayeynta shaqada sharci-dejinta iyo horumarinta xiriirka hay’adaha sharci-dejinta ee labada dal.
Heshiiska ayaa lagu kala saxiixday magaalada Jabuuti, waxaana dhinaca Soomaaliya u saxiixay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, halka dhinaca Jabuuti uu u saxiixay Guddoomiyaha Golaha Qaranka ee dalkaas, Dileita Maxamed Dileita.
Heshiiska ayaa dhigaya in labada baarlamaan ay iska kaashadaan horumarinta habraacyada sharci-dejinta, kor u qaadista xirfadaha shaqaalaha baarlamaanka, qabanqaabinta tababarrada, cilmi-baarista sharciga iyo casriyeynta hababka shaqo ee hay’adaha baarlamaanka.
Waxa kale oo heshiisku xambaarsan yahay xoojinta wada-shaqeynta guddiyada joogtada ah, adeegsiga teknoolojiyadda casriga ah, sugidda amniga xogta iyo dhismaha kooxaha saaxiibtinimada baarlamaaniga ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ku heshiiyey inay isku dubbaridaan mowqifyadooda ku aaddan arrimaha lagu gorfeeyo madalaha baarlamaaniga ah ee heer gobol iyo heer caalami.
Munaasabadda saxiixa kaddib, Guddoomiyaha Golaha Qaranka Jabuuti, Dileita Maxamed Dileita, ayaa soo dhoweeyey natiijada wada-hadallada uu la yeeshay wafdiga Soomaaliya, isaga oo sheegay in is-dhaafsiga aragtiyuhu uu labada dal u horseeday natiijooyin wanaagsan.
Dhankiisa, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka baarlamaaniga ah ee Jabuuti, iyada oo loo marayo is-weydaarsi khibradeed iyo iskaashi hay’adeed.
Heshiiskan ayaa qayb ka ah dadaallada ay Soomaaliya iyo Jabuuti ku doonayaan inay ku ballaariyaan iskaashiga laba geesoodka ah iyo xiriirka ka dhexeeya labada dal.


