HomeWararka MaantaHindiya oo furatay markab u afduubnaa koox Burcad-badeed Soomaaliya

Hindiya oo furatay markab u afduubnaa koox Burcad-badeed Soomaaliya

Sahan Media Muqdisho: Dowladda Hindiya ayaa sheegtay inay howlgal ciidan oo isugu jiray bad iyo cir ku soo furatay markabka kalluumeysiga ee Azini, oo laga leeyahay dalka Iiraan, kaas oo ay burcad-badeed Soomaali ahi ku qafaasheen biyaha Badweynta Hindiya, meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya.

Wasiirka Difaaca Hindiya, Rajnath Singh, ayaa sheegay in ciidamada badda ee dalkiisa ay sameeyeen howlgal socday 48 saacadood, kaas oo lagu soo badbaadiyey dhammaan 20-kii shaqaale ee saarnaa markabka. Howlgalka waxaa taageeray Ciidanka Cirka Hindiya, iyadoo la sheegay in sidoo kale la qabtay qaar ka mid ah kooxdii hubeysneyd ee markabka afduubatay.

Wasiirka ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa bulshada ku ammaanay ciidamada badda, isagoo sheegay in markabka laga soo badbaadiyey burcad-badeed si weyn u hubeysnaa, isla markaana howlgalka uu muujiyey awoodda ciidamada Hindiya ee ka jawaabista khataraha ka dhaca Badweynta Hindiya, isagoo caddeeyey in Hindiya ay sii wadi doonto dadaallada lagu xaqiijinayo amniga maraakiibta iyo isu-socodka ganacsiga badda.

Markabka Azini ayaa la afduubtay 29-kii Oktoobar 2026, xilli uu marayey biyaha u dhexeeya Bandar Bayla iyo Hafun ee xeebaha waqooyi-bari Soomaaliya, waxaana markab la xaqiijiyey inay u afduubteen 12 nin oo Soomaali ah, waxaana lagu haystay meel qiyaastii 185 Mayl-badeed u jirta degmada Bandar-bayla ee gobolka Karkaar.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay dib usoo xoogeysanayaan hawlgallada ay ciidanka badda Puntland ku baadigoobayaan kooxaha burcad-badeedda ah, iyagoo labadii bilood ee la soo dhaafay soo furtay saddex markab oo nooca xamuulka qaada ah oo laga soo qafaashay biyaha durugsan ee badda-cas.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo ka hadlay weerarada kooxaha burcad-badeedda oo kordhay sanadkaan ayaa sheegay inay yihiin falal lagu xumaynayo sumcadda iyo ammaanka Puntland ayna dabada ka riixayaan shaqsiyaad iyo dowlado dano dhaqaale iyo kuwa siyaasadeed ka dhex raadinaya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments