Sahan Media Muqdisho: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caddeysay in ka bixitaanka ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo ku yimid heshiis laba geesood ah, uusan ka dhignayn in dhammaan ciidamada Uganda ay dalka isaga baxayaan.
La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa sheegay in ciidamada haatan dib loogu celinayo Uganda ay u badan yihiin kuwa ku jooga heshiis gaar ah oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Uganda.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay in ciidamada Uganda ee qaybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) ay weli dalka ku sugan yihiin, islamarkaana ay sii wadaan waajibaadkooda, iyagoo la shaqeynaya ciidamada kale ee howlgalka iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
“Daad gureeynta ciidamada ku jooga heshiisyada laba geesoodka ah waa inaan loo fasiran inay tahay ka bixitaanka dhammaan ciidamada Uganda ee Soomaaliya,” ayuu yiri Aweys.
Caddeyntan ayaa timid kadib markii Ciidanka Difaaca Shacabka Uganda (UPDF) uu ku dhawaaqay inuu bilaabay ka bixitaanka ciidamada ku jooga heshiisyada laba geesoodka ah, iyadoo kooxdii ugu horreysay ay dib ugu laabatay Uganda.
War qoraal ah oo UPDF soo saartay 2-dii November ayay ku sheegtay in ka bixitaanka ciidamadaas lagu soo gabagabeyn doono maalmo gudahood, halka dhammaan ciidamada Uganda, oo ay ku jiraan kuwa AUSSOM, la filayo inay Soomaaliya ka baxaan dhammaadka sannadka 2027.
Danjire Aweys Xaaji Yuusuf Axmed ayaa hadalkan sheegay kadib markii uu guddoomiyay kulan saddex geesood ah oo ay ka qaybgaleen Dowladda Federaalka Soomaaliya, AUSSOM iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).
Kulanka ayaa dhinacyadu ku xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay xoojinta habka wada-shaqeynta saddexda dhinac, si loo horumariyo iskaashiga, qorsheynta istaraatiijiyadeed iyo taageerada saadka ee AUSSOM iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Waxa kale oo ay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay hesho taageero caalami ah oo joogto ah, la saadaalin karo, isla markaana ku filan, si loo dardargeliyo kala-guurka amniga, loo adkeeyo guulaha laga gaaray howlgallada milatari ee socda, loona xoojiyo awoodda hawlgal ee ciidamada ammaanka Soomaaliya.
Lataliyaha ayaa sheegay in sii socoshada iskaashiga Soomaaliya, saaxiibadeeda caalamiga ah iyo hay’adaha amniga ay muhiim u tahay xaqiijinta amni waara, nabad waarta iyo xasillooni muddo dheer ah.
Uganda ayaa muddo labaatan sano ah ciidamo ku joogeen Soomaaliya, iyadoo taageeraysay dadaallada nabad ilaalinta iyo xasilinta dalka.


