Sahan Media Muqdisho: Wafdi heer sare ah oo ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qaybgalay Bandhigga Caalamiga ah ee Soo-dejinta Shiinaha (China International Import Expo), kaas oo ay ka qaybgalaan dalal iyo shirkado caalami ah oo soo bandhiga badeecooyinkooda iyo fursadaha ganacsi iyo maalgashi.
Wafdiga Soomaaliya waxaa hoggaaminayay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Jaamac Maxamed Xasan, waxaana qayb ka ahaa mas’uuliyiin ka kala socday wasaaradaha dhaqaalaha iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Intii uu socday bandhigga, wafdiga Soomaaliyeed ayaa diiradda saaray soo bandhigidda khayraadka dabiiciga ah ee dalka, gaar ahaan macdanta, iyagoo soo bandhigay noocyada kala duwan ee macdanta iyo goobaha laga helo gudaha Soomaaliya.
Khayraadka la soo bandhigay waxaa ka mid ahaa macdanta biraha, dhagaxyada qaaliga ah iyo macdanta warshadaha loo adeegsado, kuwaas oo muhiim u ah wax-soo-saarka iyo horumarinta warshadaha.
Ka-qaybgalka Soomaaliya ayaa ujeeddadiisu tahay in la muujiyo fursadaha dhaqaale ee dalka, isla markaana la soo jiito maalgashadayaasha caalamiga ah, gaar ahaan dhinacyada macdanta, warshadaha iyo wax-soo-saarka gudaha.
Sidoo kale, tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda Federaalka ay ku doonayso ballaarinta suuqyada ganacsiga, dhiirrigelinta maalgashiga shisheeye iyo ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee dalka.
Soomaaliya ayaa leh khayraad dabiici ah iyo fursado dhaqaale oo ku baahsan gobollo kala duwan, waxaana dowladda ay rajaynaysaa in ka-qaybgalka bandhigyada caalamiga ah uu horseedo iskaashi cusub, maalgashi, abuurista shaqooyin iyo kobcinta wax-soo-saarka gudaha.


