Sahan Media Muqdisho: Warbixin cusub oo la daabacay ayaa sheegtay in burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya ay dib u soo xoogaysanayaan, iyadoo tan iyo bilowgii sannadkan 2026 la diiwaangeliyay sagaal weerar oo maraakiib lagu afduubtay, kuwaas oo lala xiriiriyay kooxo burcad-badeed Soomaali ah.
Warbixinta oo ay baahisay warbaahinta Premium Times, kuna salaysan falanqayn ay sameeyeen cilmi-baarayaal Willis Okumu iyo Abdullahi Said, ayaa sheegtay in xeebaha Puntland ay noqdeen xudunta ugu weyn ee dhaqdhaqaaqa burcad-badeedda.
Dhacdadii ugu dambeysay ayaa dhacday 29-kii October, markaas oo burcad-badeeddu weerareen doon kalluumeysi oo laga leeyahay Iran, laguna magacaabo Azini, kaas oo ku sugnaa xeebaha Puntland. Ciidanka badda Hindiya ayaa markii dambe badbaadiyay markabka iyo shaqaalihiisa, iyagoo ka hortagay in burcad-badeeddu u adeegsadaan weerarro kale oo ka dhan ah maraakiibta ganacsiga.
Warbixintu waxay sababaha dib u soo laba kacleynta burcad-badeedda ku xiriirisay daciifnimada awoodda amni ee Puntland, khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya maamulka Puntland iyo dowladda federaalka, iyo mashquulka ciidamada shisheeye ee ku sugan biyaha Soomaaliya oo qaar ka mid ah loo weeciyay colaadda Bariga Dhexe.
Waxay sidoo kale tilmaantay in dagaallada ciidamada Puntland kula jiraan kooxda Daacish iyo Al-Shabaab ee buuraha gobolka Bari ay culays ku noqdeen awoodda amni ee maamulka.
Dhanka kale, warbixintu waxay sheegtay in burcad-badeeddu ay heleen qalab casri ah oo ay ka mid yihiin diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, internet-ka dayax-gacmeedka iyo GPS, kuwaas oo u sahla inay la socdaan dhaqdhaqaaqa maraakiibta ganacsiga.
Qorayaasha warbixintu waxay ku baaqeen in la xoojiyo wada-shaqeynta dowladda federaalka, maamullada Puntland iyo Galmudug, iyo ciidamada badda ee dalalka shisheeye, iyagoo ka digay in weerarrada militari ee aan lahayn qorshe isku-duuban ay sii murjin karaan xaaladda.
Waxay sidoo kale ku taliyeen in Puntland iyo Galmudug ay xoojiyaan joogitaanka ciidamada ammaanka ee xeebaha, si looga hortago in burcad-badeeddu saldhigyo ka samaystaan deegaannada xeebaha.


