Sahan Media Muqdisho: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qaybgalaya shirka 31-aad ee Qaramada Midoobay ee isbeddelka cimilada (COP31), kaas oo maanta ka furmay magaalada Antalya ee dalka Turkiga, iyadoo ay ka qaybgalayaan hoggaamiyeyaal caalami ah iyo wakiillo ka socda dalal kala duwan oo caalamka ah.
Shirkan oo qorshuhu yahay inuu socdo illaa 20-ka November, ayaa diiradda lagu saarayaa saameynta sii kordheysa ee isbeddelka cimilada, caqabadaha ka dhasha iyo tallaabooyinka wadajirka ah ee ay tahay in beesha caalamku ka qaaddo wax ka qabashadooda.
Sida ku cad jadwalka shirka, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo hoggaamiyeyaasha kale ee lagu casuumay ayaa la filayaa inay khudbado ka jeediyaan shirka, isla markaana ka qaybgalaan kulamo heer sare ah oo qabsoomaya 11-ka iyo 12-ka November.
Ajandaha shirka waxaa sidoo kale qayb ka ah soo bandhigista warbixinno cilmiyeed oo la xiriira saameynta kororka heerkulka dunida, oo ay ka mid yihiin dhimashada la xiriirta kulaylka ba’an iyo dhibaatooyinka caafimaad ee laga soo sheegay qaybo ka mid ah qaaradda Yurub sannadkan.
Dhanka kale, ilo ku dhow wafdiga Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh la filayo inuu kulamo gaar ah la yeesho qaar ka mid ah madaxda ka qaybgalaysa shirka, oo uu ku jiro Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip ErdoÄŸan, oo casuumaad u fidiyey hoggaamiyeyaasha ka qaybgalaya.
Shirka COP31 ayaa sidoo kale lagu falanqaynayaa sidii taageero dhaqaale iyo mid farsamo loo gaarsiin lahaa dalalka sida weyn ugu nugul saameynta isbeddelka cimilada, gaar ahaan dalalka Afrika oo ay dhibaatooyinka abaaraha, fatahaadaha iyo xaaladaha cimilo ee daran si joogto ah u saameeyaan.
Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka sida weyn ugu nugul isbeddelka cimilada, iyadoo sannadihii u dambeeyey ay soo noqnoqdeen abaaro daba dheeraaday iyo fatahaado saameeyey nolosha bulshada, xoolaha, beeraha iyo dhaqaalaha dalka.
Wafdiga Soomaaliya ee shirka ka qaybgalaya waxaa ku jira mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda federaalka, oo ay ka mid yihiin wasiirro iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee dalka.


