HomeWararka MaantaWasiir Daahir Shire: Tabashada reer Hiiraan waa mid la dareensan yahay, xalkeedana...

Wasiir Daahir Shire: Tabashada reer Hiiraan waa mid la dareensan yahay, xalkeedana waan ka qayb qaadanaynaa

Sahan Media Muqdisho: Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, iyo wafdi uu hoggaaminayay oo maanta gaaray magaalada Beledweyne, ayaa sheegay dowladda Soomaaliya in ay dareensan tahay tabashada dadka reer Hiiraan, isla markaana ay diyaar u tahay inay qayb ka noqoto dadaallada xal loogu raadinayo cabashooyinka jira.

Wasiirka, oo ay socdaalkiisa ku weheliyeen guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan, ahna u qeybsanaha arrimaha ciidanka Macawiisleyda ee madaxweynaha Soomaaliya, agaasimayaal iyo siyaasiyiin kale, ayaa sheegay in tabashada bulshada Hiiraan aanay ahayn mid cusub, balse ay muddo soo noqnoqonaysay.

Waxa uu sheegay in isaga oo matalaya dowladda Federaalka uu diyaar u yahay inuu bulshada kala qayb qaato wadatashiyada iyo dadaallada lagu doonayo in xal loogu helo tabashada jirta, kaas oo ay ku qanci karaan dadka reer Hiiraan.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in qaylo-dhaanta ka timid Ugaaska Guud ee beesha Xawaadle aan loo qaadan karin arrin fudud, isaga oo ku baaqay in waxgaradka, siyaasiyiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Hiiraan ay isugu yimaadaan wadatashi.

“Anigu waxaan ahay wasiir ka soo jeeda gobolka Hiiraan, tabashada dadka reer Hiiraanna mar walba way soo noqnoqonaysay, mana aha arrin naga qarsoon,” ayuu yiri Daahir Shire.

Waxa uu intaas ku daray in xal waara aan lagu gaari karin hadal keliya, balse loo baahan yahay wada-shaqayn iyo isu-tanaasul ay ka qayb qaataan wasiirrada, agaasimayaasha, guddoomiyeyaasha, xildhibaannada iyo waxgaradka gobolka.

Wasiirka ayaa rajo ka muujiyay in wada-tashiyada socda ay horseedi doonaan xal dan u ah bulshada iyo gobolka Hiiraan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments