Sahan Media Muqdisho: Madaxa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Danjire El Hadji Ibrahima Diene (Boly), ayaa kulan la yeeshay safiirka Sweden u qaabilsan Soomaaliya, Hans Henric Lundquist, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda dalka, fulinta waajibaadka howlgalka AUSSOM iyo sii wadista taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa labada dhinac ay kaga wada hadleen horumarradii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, howlaha uu Midowga Afrika ka wado dalka iyo muhiimadda ay leedahay in beesha caalamku sii waddo taageerada dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida.
Danjire Diene ayaa dowladda Sweden uga mahadceliyey iskaashiga muddada dheer ee ay la leedahay Soomaaliya iyo Midowga Afrika, isaga oo bogaadiyey kaalinta ay ka qaadato taageerada dadaallada nabadeynta iyo xasilloonida dalka.
Dhankiisa, safiirka Sweden, Hans Henric Lundquist, ayaa xaqiijiyey sida dalkiisu uga go’an tahay sii xoojinta wada-shaqeynta dowladda Federaalka Soomaaliya, howlgalka AUSSOM iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah, si loo taageero dadaallada lagu xaqiijinayo nabad waarta iyo xasillooni Soomaaliya.
Kulankan ayaa imanaya iyadoo Soomaaliya ay ku jirto dadaallo lagu xoojinayo amniga iyo awoodda hay’adaha dowladda, xilli howlgalka AUSSOM uu door muhiim ah ka qaadanayo taageerada ciidamada Soomaaliyeed iyo dadaallada la dagaallanka kooxaha hubeysan.


