HomeWararka MaantaMadaxweyne Xasan oo si kulul u weerarray Dawladda Imaaraadka Carabta, kuna eedeeyay...

Madaxweyne Xasan oo si kulul u weerarray Dawladda Imaaraadka Carabta, kuna eedeeyay inay kaalin ku lahayd aqoonsiga Isra’iil ee Somaliland.

Sahan Media Muqdisho: Madaxeynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo qalabka warbaahinta dawladda kala hadlay shacabka ayaa si kulul u cambaareeyay faragalin uu sheegay in dalkiisa ay ku haysay muddo dheer dawladda Isutagga Imaaraadka Carabta.

“Muddo sannado ah, Imaaraadka Carabta waxay si joogto ah u faragelineysay arrimaheenna gudaha iyo siyaasaddeenna qarannimo, isaga oo hareer marayay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sharciga ah” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay shan qodob oo uu sheegay in ay saldhig u yihiin faragalinta Imaaraadka ee arimaha gudaha ee Soomaaliya, waxa uu sheegay in heshiisyo dekedeed uu la galay maamull goboleedyo, kuwaas oo ku saabsan dekedaha Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo. Dekedahaasi ma aha buu yiri hanti ay maamul goboleedyo gaar ahi leeyihiin.

Xasan Sheekh waxa kale oo uu faragalinta Imaaraadka ku sheegay inuu dhisay saldhigyo milatari iyo ciidamo ka baxsan nidaamka amniga Soomaaliya, isaga oo aan oggolaansho ka haysan dowladdiisa.

“Ciidan aan ka amar qaadan talisyada qaranka waa ciidan wiiqaya awoodda iyo midnimada hay’adaha amniga dalka. Xilli aan si weyn ugu baahnnahay isku-duubni si aan ula dagaallanno argagixisada caalamiga ayeey abuureen ciidamo iyo qaab-dhismeedyo amni oo isbarbar socda, kuwaas oo wiiqaya awoodda iyo isku-duubnida amniga qaranka” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Imaaraadka Carabta in uu maamul goboleedyo qaarkood siisay taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale, si ay uga horyimaadaan buu yiri Dowladda Federaalka Soomaaliya

“Waxay dhiirrigeliyeen khilaafaadka siyaasadeed, waxayna huriyeen kala fogaanshaha iyo kala qaybsanaanta ummadda Soomaaliyeed, iyadoo ujeeddadu tahay in la wiiqo awoodda dowladnimada Soomaaliya, si dalka loo gaarsiiyo heer ay fududaato in dibadda laga maamulo. Taas oo aan si cad u diidnay welina u diidanahay” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dawladda Imaaraadka ku eedeeyay in ay kaalin weyn ku lahayd aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland.

“Markii walaalaheen Carabta iyo Muslimiintu ay si wadajir ah u soo saareen bayaan lagu cambaaraynayo xadgudubkaas ka dhanka ah madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalkeenna, dowladda Imaaraadku way diiday iney saxiixdo bayaannadaas. Dadka Soomaaliyeedow walaalayaal, is weydiiya: xadgudub intaas le’eg ma laga filan karaa dal isugu keen sheegaya walaal” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Qodobka kale ee shanaad ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay Imaaraadka waxay ahayd in hoggaamiye reer Yemen ah oo baxsad ah uu si sharcidarro ah u mariyay hawada iyo badda Soomaaliya.

“Bishii Janaayo ee sannadkan, dhulkeenna, gaar ahaan magaalada Berbera, ayaa loo adeegsaday in laga sii gudbiyo hoggaamiye kooxeed gooni-u-goosad ah oo ka baxsanayay dalka Yemen. Dowladda Soomaaliya lagama dalban oggolaansho, mana la ogeysiin ee si dhuumssleysi ah ayaa dowladda Imaaraadku dhulkeenna u adeegsatay sidii dal aan lahayn dowlad iyo cid ka masuul ah” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Dawladda Federaalka ayaa sheegay in muddaba ay u dulqaadanayeen waxa uu ku sheegay faragalinta Imaaraadka ee Soomaaliya.

“Marna nalama dhihi karo Soomaaliya ayaa ku degdegtay go’aannadeeda. Wax badan ayaannu tixgelinnay, sannado badanna waan dulqaadannay. Waxaan dirnay farriimo diblomaasiyadeed. Waxaan codsannay wadahadal. Waxaan isku daynay inaan ka gudubno arrimo badan, annagoo rajaynaynay in walaalnimada iyo is-ixtiraamku ay ka guulaysan doonaan danaha gaarka ah” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa baaq u diray dawladda Isutagga Imaaraadka Carabta, isagoo sheegaya in Soomaaliya maanta aysan ahayn Soomaaliyadii shalay ee la moodayay inay daciif tahay.

“Waxaan nahay qaran leh dastuur, dowlad sharci ah iyo shacab go’aansaday inuu ilaashado karaamadiisa, madaxbannaanidiisa iyo midnimadiisa.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in uu wali furan albaabka wadahadalka haddii la is ixtiraamo, haddiise taasi la waayo buu yiri Soomaaliya way is difaaci doontaa.

“Albaabkeennu wuu furan yahay haddii aad la timaaddaan ixtiraam, qaddarin, sinnaan iyo aqoonsi buuxa oo ku aaddan madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed iyo dadeed ee Soomaaliya. Laakiin haddii aad doorataan inaad sii waddaan jidkaan qalloocan, ogaada in Soomaaliya ay difaacan doonto dalkeeda, madaxbannaanideeda iyo midnimada ummaddeed iyadoo mareysa waddo kasta oo shuruucdeena na fareyso qawaaniinta caalamkana oggoshahay” ayuu ku soo koobay baaqa uu u diray dawladda Imaaraadka Carabta.

Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayuu xiriirkoodu sii xumaanayay tan iyo bishii Janaayo ee sanad kan, markaas oo dawladda Soomaaliya ay baab’isay heshiisyo ay la gashay dalka Imaaraadka Carabta, oo ay ku jiraan heshiisyadii amniga, difaaca iyo dhaqaalaha. Waxay sidoo kale Soomaaliya hawadeeda ka mamnuucday diyaaradaha milatariga iyo kuwa xamuulka ee Imaaraadka Carabta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments