Sahan Media Muqdisho: Aabe u dhashay dalka Eritrea ayaa Arbacadii magaalada Calgary ku dilay labo caruur ah oo uu dhalay, waxaana uu ku wargaliyay booliiska.
Booliska ayaa sheegay in aabaha uu wacay Boliska “Eedeysanaha wuxuu la xiriiray 911 wuxuuna sheegay inuu dilay caruurtiisa wuxuuna bixiyay goobta uu daggan yahay.”
Sida laga soo xigtay Boliska, carruurta ayaa la dilay wax yar ka hor saqdii dhexe, laakiin aabaha ayaa meydadka u keenay booliiska Waqooyiga Galbeed ee Calgary 10 saacadood ka dib markii uu geystay dilka naxdinta leh.
Waxaa nala soo xiriiray shaqsi daggan 4300 block ee 14 Street N.W. Markii aan nimid, waxaan helnay gaari ay saarnaayeen labo caruur ah oo dhintay. Xilligan dhimashada waxaan u gudbinay qaybtayada dilka ayaa baaraysa. Hal qof ayaa noo xiran,” ayaa lagu yiri qoraalka boliska.
Dhibbanayaashu waa shan jir iyo saddex jir (wiil iyo gabar siday u kala horreeyaan).
Lamaanayaasha oo aan magacyadooda la shaacin, waxay wada noolaayeen lix sano waxayna taariikh dhibaato guri ah la wadaageen ama dagaalkooda ogaa booliiska Calgary.
Hooyadu waxay ku noolayd xarun ama meel gabbaad u ah haweenka. Waxaa la sheegay in ay aad u murugeysan tahay oo ay awoodi wayday in ay kaligeed istaagto.
Aabaha ayaa maanta oo Jimce ah kasoo muuqday maxkamadii ugu horeysay


