Google search engine
HomeWararka MaantaAL Miskaad oo fadhi u noqotay Cabduqaadir Muumin

AL Miskaad oo fadhi u noqotay Cabduqaadir Muumin

Sahan media Muqdisho: Kooxda Daacish ee ka dagaalanta gobolada Puntland ee Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in ay ka awood roonaadeen al-Shabaab oo muddo dheer ka soo horjeeday.

IS ayaa sheegtay in ay la wareegeen gacan ku haynta buuraleyda Al Miskaad. Kooxahan ayaa muddo sideed sano ah u tartamayey gacan ku haynta dhulka istiraatiijiga ah ee degmada Bari, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay soo saartay xarunta siyaasadda Imaaraadka.

Meesha Al Miskaad ee waqooyi bari Soomaaliya waxa ku yaal dhul keymo ah oo u dhow qabiil xiriir la leh hoggaamiyaha IS ee Soomaaliya Cabdul Qaadir Muumin, kaas oo kooxda siiya difaac. Waa meel fog, oo aan deganayn oo ay ku yar yihiin degsiimooyinka joogtada ah.

“Balaarinta Daacish ee Puntland waxa ay kooxda siinaysaa dacaayad aad u weyn si ay u xoojiso dadaallada qorista iyo soo jiidashada dagaalyahannada ajaanibta ah.

Waxa kale oo laga yaabaa inay ka caawiso IS inay ka faa’iidaysato dhaqdhaqaaqyada sii kordhaya ee budhcad-badeedda Soomaalida. Al-Shabaab ayaa sidan ku dhaqaaqday iyadoo la sheegay inay u yaboohday ilaalinta burcad-badeedda si ay qayb uga qaataan madax-furasho lacageed. Kadib lix sano oo weerar ah oo ay hakad ku jireen, burcadbadeedda Soomaalida ayaa dib u soo cusboonaatay sannadkii hore.

Al-Shabaab, oo ah laanta al-Qaacida ee Soomaaliya, ayaa loo arkaa kooxda ugu xoogga badan. Waxay leedahay xubno aad uga badan ka shabaab, waxayna maamushaaa IS koonfurta muddo sanado ah. Marka la gaaray 2022, dadka wax indha indheeya ayaa sheegayay in IS ay u muuqatay mid ku sii siqaya in ay burburiso Puntland.

Si kastaba ha ahaatee, markii dowladda Soomaaliya ay qaaday weerar ka dhan ah al-Shabaab koonfurta Soomaaliya sannadkii hore, isbeddelka diiradda lagu saaray ayaa si aan ku talagal ahayn u soo bandhigay nolosha IS. Al-Shabaab ayaa ku qasbanaaday in ay kheyraadkooda iyo feejignaantooda ka weeciyaan buuraha Al Miskaad.

Taasi waxay keentay in dagaal ba’an uu dhexmaro dhinacyada iska soo horjeeda. IS ayaa bishii April sheegtay in ay la wareegeen gacan ku haynta buuraleyda kadib weerar saddex bilood ah oo ay ku dileen 50 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab oo ay ku jiraan taliyayaal muhiim ah.

Ololahan ayaa billowday 28-kii Jannaayo, markii dagaalyahannada IS oo ku hubeysan qoryaha daran dooriga u dhaca ay iska caabiyeen isku day ay al-Shabaab ku doonayeen in ay ku soo galaan dooxada Walisoor.

Sida laga soo xigtay machadka cilmi baarista warbaahinta bariga dhexe ee MEMRI, IS ayaa markaas qaaday weerarka, iyagoo si guul leh u weeraray fariisimaha al-Shabaab iyo weeraro gaadmo ah oo ay ku qaadeen dagaalyahano ka soo horjeeday iyagoo isku dayayay inay aasaan walxaha qarxa. IS ayaa howlgalladan ku soo qabsatay saanad ciidan.

Ilaha ammaanka Puntland ayaa ku qiyaasaya in ciidanka IS ay gaareen inta u dhaxaysa 200 ilaa 300 oo dagaalyahan, kuwaas oo u badan muwaadiniin Itoobiyaan ah.

IS iyo taageerayaasheeda waxay xoojiyeen wax-soo-saarka warbaahinta iyo tarjumaada tan iyo 2022-kii ee luqadaha caanka ah ee looga hadlo Itoobiya, sida Amxaari iyo Oromo, sida uu sheegay machadka daraasaadka dagaalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments