Google search engine
HomeWararka DibaddaPutin oo lagu soo dhaweeyay N Korea

Putin oo lagu soo dhaweeyay N Korea

Sahan media Muqdisho: Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa maanta oo Arbacada gaaray Kuuriyada Waqooyi, kaddib markii uu sheegay in labada dal ay doonayaan inay si dhow uga wada shaqeeyaan sidii ay uga gudbi lahaayeen cunaqabateynta uu Mareykanku ee saaran labada waddan.

Putin ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Pyongyang kula kulmay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, oo ay is qacan qaadeen isuna haayoodeen kadibna wada raceen gaariga Kim oo loogu galbiyay guriga martida ee Kumsusan ee Pyongyang sida ay sheegtay wakaaladda wararka Kuuriyada Waqooyi.

Labada hogaamiye ayaa kulankooda ku tilmaantay dhacdo taariikhi ah, oo muujinaysa sii waarida saaxiibtinimada iyo wadajirka labada waddan.

Putin, oo safarkiisii ugu horreeyay ku tagay Kuuriyada Waqooyi muddo 24 sano ah, ayaa faallooyin ka soo muuqday warbaahinta dowladda saacado ka hor inta uusan ka degin Pyongyang ku sheegay in uu aad uga mahadcelinayo taageerada adag ee dalkaasi u fidiyay falkiisa milatari ee Ukraine.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments