Google search engine
HomeWararka MaantaAmbassador Mêles Alem oo shir madaxeed degdeg ah ka codsaday IGAD

Ambassador Mêles Alem oo shir madaxeed degdeg ah ka codsaday IGAD

Sahan media Muqdisho: Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu soo jeediyay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay khilaafkooda xal ka gaaraan IGAD iyo Midowga Afrika. 

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya Amb. Meles Alem ayaa saxaafadda u sheegay in Itoobiya ay ka codsatay IGAD in ay ku baaqdo shir madaxeed kale oo looga hadlayo heshiiskii marin-badeedka ee bishii hore ee ay ka carooday Soomaaliya. IGAD weli jawaab rasmi ah kama soo saarin codsiga Itoobiya. 

Golaha Ammaanka, waxay 29-kii bishii January qabteen shir ciwaankiisu ahaa ‘Nabadda iyo Amniga Afrika’, iyadoo Soomaaliya ay codsatay shirkaas. Si kastaba ha ahaatee Goluhu wax faah faahin ah kama uusan bixin shirkaas. 

Soomaaliya oo cuskatay qodobka 35-aad ee Axdiga Qarammada Midoobay, ayaa ugu baaqday Golaha Ammaanka inay faragelinta Itoobiya wax ka qabtaan iyadoo sheegtay in heshiiska Itoobiya iyo Somaliland uu ku xad-gudbay madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibbada Itoobiya Meles, wuxuu si cad u sheegay mowqifka Itoobiya intii lagu jiray shirkii golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

“Mawqifka Itoobiya waa in dadaalkeeda ku aaddan gelitaanka badda ay horseed u yihiin arrimo dhaqaale. Waxay kaloo ku saabsan tahay is-dhexgalka gobolka iyo sidoo kale arrin nabadeed iyo amni. Tani waa ajandaha cad ee ay Itoobiya ku celisay shirkii Golaha Ammaanka,” ayuu yiri Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibbada Itoobiya Meles.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inaysan wada-hadal la geli doonin Itoobiya illaa ay ka laabato heshiis beenaadkii ay la gashay Somaliland.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments