Sahan media Muqdisho: Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa mar kale wacad ku martay in weeraradooda ay ku doonayaan in ay ku joojiyaan dagaalka Israa’iil ee Gaza aysan joogsan doonin ka dib markii Mareykanka iyo UK ay qaadeen tobanaan weerar habeennimadii Sabtida.
Weeraradii ugu dambeeyay oo ay taageerayaan lix kale oo xulafo ah, ayaa kusoo beegmaya maalin kadib markii Mareykanku uu qaaday tobanaan weerar oo lagu bartilmaameedsaday kooxaha hubaysan ee Ciraaq iyo Suuriya, kuwaasoo ay Washington sheegtay inay taageerto Iran.
Xuuthiyiinta ayaa markii hore kaliya weerar ku qaaday maraakiibta xiriirka la leh Israa’iil ee marayey badda cas iyagoo is garabsanaya falastiiniyiinta, balse waxay ballaariyeen weeraradooda oo ay ku soo daraan maraakiibta Britain iyo Mareykanka ka dib markii Washington iyo London ay weerarro ku qaadeen Yemen.
Maraykanka iyo UK ayaa sheegay in ay beegsadeen 36 goobood oo ay Xuutiyiintu ku leeyihiin Yemen, halka afhayeenka milatariga ee Xuutiyiinta Yahya Saree uu sheegay in caasimadda Sanca ay ka mid tahay goobihii la weeraray Sabtidii. Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca khasaaraha.